Deg Deg: Kooxda Al-Shabab Oo Imika Dagaalo Culus Ka Gashay Gudaha Caasimada Muqdisho + Khasaarahii Ka Dhashay

43

Deg Deg: Kooxda Al-Shabab Oo Imika Dagaalo Culus Ka Gashay Gudaha Caasimada Muqdisho + Khasaarahii Ka Dhashay

Weerar ka dhacay duleedka Muqdisho oo dad Lagu gowracay & Alshabaab oo sheegatay

Wararka laga helayo degaanka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerar halkaasi ka dhacay lagu dilay laba qof oo midkood la gowracay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe uu dhacay weerarkaasi iyadoo maleeshiyo hubeysan ay weer ku qaadeen goob Jaayga lagu sameeyo oo ay ku dileen laba qof oo midkood ay gowraceen.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi iyadoo intaas ku dartay inay ku dishay afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda iyo Hay’adaha amniga oo ku saabsan weerarka ka dhacay degaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Comments

comments