Somaliland: Ahmed Y Yaasiin Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxweyne Farmaajo Iyo Faysal Cali Waraabe

Ahmed Y Yaasiin Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxweyne Farmaajo Iyo Faysal Cali Waraabe

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, Shirkii Brussles, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, Saami qaybsiga wakiilada, Shirka Ceel-afweyn iyo qodobo kale.

Sidee ayaad u aragtaa ka qayb galka Shirkan Brussles Eng:Faysal Cali Waraabe iyo Prof: Cali Khaliif Galaydh madaamaXukuumadda Somaliland qaadacday?

” Marka xubno inaga midi ahi meel tagayaan, waxa haboon inay ku tagaan talo qaran, oo aan laga bixin khariirada qaranka, si aanay inooga noqon docfaruur qof walba meesha uu doono maro, taasina waa arin iyaga khuseeysa, balse Somaliland anigu waxaan u soo jeedinayaa Axsaabteeda iyo haykalkeeda qaranka ee ka kooban Barlamaan, Garsoor iyo Fulinba, inuu arinkeedu ka fulo meel kaliya, oo aynaan is barbar yaacin.” ayuu Yidhi Axmed Yuusuf Yasiin

Comments

comments

SHARE