Deg Deg: Qarax Xoogan Oo Imika Ka Dhacay Magaalada Muqdisho + Dhaawaca Iyo Dhimashada

Deg Deg: Qarax Xoogan Oo Imika Ka Dhacay Magaalada Muqdisho + Dhaawaca Iyo Dhimashada

Qarax gaari lagu xiray ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere.

Qaraxa ayaa dhacay xilli gaariga uu halkaasi maraayay, iyadoo nooca qaraxa uu ahaa midka loo yaqaan dhajiska ee Baabuurta lagu dhajiyo.

Qaraxa ayaa sida la sheegay waxaa ku dhintay wadihii gaariga, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay laba ruux kale oo la soctay xiliga Qaraxa.

Gaariga qarxay ayaa noociisa wuxuu ahaa midka Somalida u taqaan Viller, waxaana lasoo sheegayaa inay kusii jeeden goobtooda shaqo.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo Meyd ahaan goobta uga qaaday darawalkii waday gaariga iyo dhaawaca labo ruux oo dumar ah iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira Qaraxa.

Geesta kale,Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo labadii todobaad ee la soo dhaafay maalmihii Sabtidii ay dhaceen qaraxyo iyo dagaal toos ah oo Shabaab ay soo qaadeen, halka maanta oo Sabti ahna aroor hore qaraxaan uu dhacay.

Wargane news

Xafiiska Muqdisho

info@warganenews@gmail.com

Comments

comments

SHARE