Somaliland: Cabdiqaadir Jirde Oo Si Mug Leh Uga Hadlay Xaaladda Uu Dalka Marayo

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku halka marayo, waxaanu si gaar ah uga hadlay Doorashadii Madaxtooyada, dhibaatada iyo dib u dhaca ay Somaliland soo gaadhsiisay wada hadalada Somaliya lala furay, Dekadda Berbera ee DP world lagu wareejiyey, Saldhiga Milatari ee Imaraadka heshiiska lagula galay iyo qodobo kale.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa isagoo ka hadlayay doodii Golaha Wakiilada ee shalay, ayaa sidoo kale tilmaamay in haba yaraate wax garawshiiyo ah Xisbigooda la siinin, isagoo sheegay inay iyagu tanaasul sameeyeen  waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Dekadda Berbea “DP World arinteeda waxba aniga igagama baaqan baan u maleeynayaa, wixii aan ka digaynay ayaana soo baxay, oo waa taas markhaatiga laga furayo, waxaanu ka digaynay in wax dhamaystiran oo dhisan, oo daraasad leh, oo xilliyaysan oo cilmeeyaysan aan la inoo keenin,sidii uu inagu dhaafayna waxba ku noqon mayno”.

Mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Tii Saldhiga wixii laga digaayey ee aanu ka digaynay, ee la moodayey in aanu anagu cid eryanayno, ee la moodayey in aanu Dawlad u jeedno, ee la moodayey in aanu qas u jeedno, midheehaddii waa taas maanta la arkaayo, ee markhaatiga ha nagala masuugina, ee markhaatiga noo fura, waana la qabaa Raggii ka hadlay siday uga hadleen, aniga se hadal igu baaqday ma jirin, waaba la igu karaahiyeysatay, oo Xildhibaanadu wey igu karaahiyeysteen”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde mar uu ka hadlaayey Doorashadii ayaa yidhi “Doorashooyinku markay yimadeen xanaafiir bay ka tagaan, Doorasho kastaa xanaafiir bay ka tagtaa, tii aynu Guddoomiyaheena ku dooranaynay halkay inala martay weynu ogeyn, inagoo 82 nina siday inoo kala qaybisay iyo siday inoo kala shakisiisay iyo siday iskugu keen xoqday waad ogtihin, ta Qaranka dhan ka dhacdayna wey ka dhib badan tahay, khasaare ayaa ka dhashay, dhimasho iyo dhaawac baa yimid,xadhig baa yimid, qolaa tidhi Cabdiraxmaan baa diiday oo Shirkaasna tagi waayey, Dubaa-na u raaci waayey, oo Madaxweynuhu turxaanta ayuu bogsiin lahaa haddii uu Cabdiraxmaan u raaco Dubai, iyo haddii uu ka soo qayb galo caleemo saarkii, turxaantu intaas kuma eeka, kumana dhammaato, talaabadii ugu horeeysay anaga ayaa qaadnay, iyadoo waajibku ahaa inay Xukuumaddu soo qaado, waad ogeydeen ee ALLE ha u naxariistii aaskii la iskugu yimid ee Axmed Yasiin Gabay Xadi, anigaa Madaxweynaha gacanta qabtay, la dhaqaaqay oo u geeyey  Musharixii uu codka ka helay, anaga ayaa tanaasulka la nimid, nalooma yeedhin, nalama soo xidhiidhin, anaga ayaa isla weynidayadii dib u liqnay, candhuuftaydii dib u liqnay, u kacnay, oo u tagnay, may midho dhalin, xaggayaga may ahayn, ee xaggaas ayay ahayd waa la garanayaa, cida waajibkaas lahayd waa la garanayaa, markaas waxaan u sheegaya qoladii lahayd Cabdiraxmaan haddii uu Dubai u raaco wax walba wey iska dhamaan lahaayeen, Madaxda Axaabtu Bakoorad la qaato, oo lagu xaragoodo maaha, wax sawir lala galo maaha, haddii wax la weydiinayo si milgo leh, oo sharafi ku jirto, oo karaamo ku jirto in loo weydiiyo weeye, taas caleemo saarka wax inoogu horeeyey maaha, oo Daahir Rayaaleba Madaweynihii uu ka helay uma tagin, kamuuna qayb galin, waxaanu anagu bilawnay maaha, ee wax hore u dhacay ayey ahayd, qasabna maaha in la tago, ee kolba waxay ku xidhan tahay cilaaqaadkiina”.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Anagu niyad wanaag baanu muujinay, oo waa kii Madaxweynuhu sida milgaha leh yeelay, ee iskugu yeedhay Odayaal badan, Axsaabta Mucaaradka, Madaxweynihii hore, Madaxweyne ku xigeenadii hore, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Cali Khaliif, dad talo la bidaayey, oo la iska weydiinayey xaalada dalka, taas maanta aynu is weydiinayno, ayaa la is weydiinaayey, waxaa taas anaga nooga markhaatiya doorkii aanu ka qaadanay iyo dadkii meesha joogay, oo nooga mahadnaqay, markii aanu nidhi wax alaale wixii aad adigu diyaar u tahay go’aanka adiga ayaa leh, la isma baal yaaco, arinta Tuka-raq la isma baal yaacayo, taa Ceel-afweyn la isma baal yaaco, adiga taladdii dalka maanta haya, ee maxaanu kula qabanaa,balan waxaanu kugu qaadaynaa  anagoo Xisbi Mucaarad ah, in aanan kaga xantaysan, Tuka-raq xaq baanu u lahayn, markii ay wax dhaceen n warbixin nala siiyo inta naloo yeedho, oo la yidhaahdo sidaas ayey wax u dhaceen, muraadkayguna sidaas ayuu ahaa, Suuqa ayaanu warka ka qaadanaa, Guddidii Arrimaha Nabadgalyada iyo Difaaca ayaanu nahay, Makhaayadaha ayaanu warka ka qaadanaa, Dawladii Siyaad Barre, nin Wasiira oo halkan inala jooga magaciisa sheegi maaye, ayaa dagaaladii ugu kulalaa markii ay halkan ka socdeen, ayaa yidhi Madaxweyne miyaanay waajib ahayn inaad noo waranto, Darawalkayga ayaan warka ka qaataa anigoo Wasiira, Saleebaan Maxamuud Aadan buu ahaa, wuxuu yidhi Darawalkayga ayaa ii warama,ee Golaha Wasiradda la igama waramo, anagoo xisbigii labaad ee dalka ah, oo 42% helnay, oo Madaxdii Xisbiga ka mid ahay, anigoo Guddida Nabadgalyada iyo Difaaca Golaha Wakiilada ka mid ah, Tuka-raq warkeeda Makhaayada  Cali Mataan  baan ka qaata,Shir gudoonku nooma waramo, xitta haddii idinka gaar la idinku soo waramo wax war ah oo aad na siisaan ma jiraan, haddii Xildhibaanda qaar si gaar ah loogu soo waramo, oo naga war roon yihiin nalama wadaagan, milgo iyo ixtiraam baa la isku leeyahay, nimankayagii sidaas u dhaqmay, ee sidaas dhulka ugu dhigay,  ee yidhi wax alaale waxaad doonaysid baanu kula qabanaynaa waad mahadsan tihiin iyo telefoon naga daba yimaada midna ma hayno,”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, “Wada hadalada Dawladdo ayaa inoola yimid, waliba Dawladdo aynu isku halayno ayaa inoola yimid, David Cameroon  baa soo bilaabay, Dawladduhuna markay arinkaas galaan sumcadoodii bay badka soo dhigayaan, sumcadoodii iyo miisaankoodii ay adduunka ku laahayeen ayey doonayaan inay wax ku socodsiiyaan, ma jecla inay fashilmaan, oo meeqaamkii ay Adduunka ku laahaayeen ay hoos uga dhacaan, wey khamaraan, weynu aqbalnay, iyadoo talo badan aan laga gaadhin markii hore, oo heer qaran aan loo tashan weynu aqbalnay, oo waliba dadka masaakiinta ah ee aan xogogaalka ahayn loogu sheegayey inaynu mucaawimo ku helayno, mucaawimadu intaas inooga badanayso, waxeena gaar baa la inoo siinayaa, hoos u dhac baa ku dhacay ilaa maalintii London lagu qabtay, wey soo socotay, Turki baa la tagay, UAE baa la yimid, marka dambena Masar iyo Suudan baa la tagi doonaa baan u maleeynayaa, oo waad arkaysaa inuu garaafku soo dagaayo, Dawladdihii Adduunka ku cuslaa, oo hadalkooda la ixtiraamayey wey ka soo gudubtay, qadaad weyn baa qaadatay, markay halkaas hore joogtay, hogaanka inaga ayaa haynay, inaga ayaa la ina baryaayey,  Dawladda Somaliya inaga ayey ina baryeysay, inaga ayaa shuruuda dhigaynay, inaga ayaa lahayn masuuliyiin Gobolkan u dhashay, halkan ma iman karaan, adduunkuna wuu inagu ixtiraamay, maanta hoggaankii wada hadalku wuu wareegay, ee taas ogaada, wada hadalkii Koonfur buu u wareegay,iyaga ayaa hogaanka maanta haya, Shirka Brussles, waxa ku jira qodob uu ku adkaysanayo Farmaajo oo uu kula gorgortamayo Caalamka, oo inaga inagu saabsan, Maamul Goboleedada ka kaalay, waxay u qoran tahay in waxa Somaliland la siinayo in isaga la soo mariyo, halkaas buu gaadhay ninkii aynu inagu hogaanka u haynay, ee inaga ina baryaayay, ee lugaheena fadhiyey, halkaas buu maanta marayaa, in inaga la inoo baryo, waxaasina xaggeena ayey ka timid, aynu qirano, haddii aynaan qiran waxba ma sixi karno, yeynaan dadka been u sheegin, yeynaan dadka maaweelinin.

Waxa taas wehelinaysa oo xoojinaysa, in markii hore laba qaran oo siman, u hadla ayaa la lahaa, inaga ayaa la ina hor bartay, caalamku ina hor bartay, oo xogteena, iyo tamarteena iyo waxaynu wadno caalamku ogaa, maanta diiradii wey inaga wareegtay, Dawladdaha dhaqaalaha iyo qadaad weynta ayaa soo gashay,   dib u heshiisiinta iyo midnimada Dawladda Somaliya ee soo socata, saddex carqaladood baa horyaala ilaa la xaliyana aanay waxba soconaynin, mid waa shabaab, midina waa khilaafkii dawlad goboleedada, midina waa arinta Somaliland,  walibana waxa la inaga dhigay mushkilad hor yaala, oo laga hor qaado, maanta khilaafkii dawlad goboleedada waa laga qaaday, oo waa laga xaliyey, dawladihii xogogaalka ahaa wey ka soo wareegtay.”

Comments

comments