Deg Deg: Ciidamada Booliska oo Jeelka U Taxaabay Muwaadin Cabasho La Horyimid Aqalka Madaxtooyada Iyo Xarunta Baarlamaanka

Ciidamada booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay muwaadin, subixi hore ee saaka cabasho la hortagay xarunta aqalka madaxtooyada iyo baarlamaanka.
Muwaadinkan ayaa watay boodh uu ku xardhan yahay ‘Ujeedo Cabasho,
“Mudane madaxweyne waxaan aheyn muwaadin waxaa ay cabashadeydu ku saabsan tahay caddaalad daro igaga timid bahda garsoorka waxaanan maxkamadda ka waayay caddalaad iyo xuquuqdii muwaadinimo, waxaan kaa codsaneyaa inaad arrinteyda hoos u eegto adiga oo kaashanaya la taliyayaasha arrimaha sharciga mahadsanid”
xadhiga muwaadinkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac kana mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Ciidamada booliska ayaa xidhay markii la xidhayayna anaga ayaa ku soo yaacnay gaadhi ayaa lagu qaaday

Comments

comments

SHARE