Gary Lineker oo sheegay in N’Golo Kanté uu ku haboon yahay kooxda Barcelona

159

Halyayga reer England Gary Lineker ayaa sheegay in ay la tahay in laacibka ku guuleestay koobka aduunka 2018 ee N’Golo Kanté uu ku haboon yahay inuu xirto maaliyada kooxda Barcelona.

Gary Lineker ayaa u sheegay “L’Equipe” ee dalka France in N’Golo Kanté saxiixiisa ay faa’iido u noqon doonto Barcelona hadii ay dhacdo in ay sameyso.

“Waxay ila tahay in N’Golo Kanté uu noqon doono saxiix ka haboon kooxda Barcelona, aniga ahaan wuxuu ahaa xidigii ugu fiicnaa koobka aduunka 2018”.

“Wuxuu u ciyaaray si uu ugu adeego saaxiibadiis, aad ayaan ula dhacsanahay waa xidigii ugu fiicnaa kubada cagta ee aan daawaday xirfadeyda kubada cagta ee booskiisa”.

Comments

comments

SHARE