“Kylian Mbappe waa uu u qalmaa ku guulaysga Ballon d’Or” – Eden Hazard

43

Hogaamiyaha xulka qaranka Belgium ee Eden Hazard ayaa amaanay laacibka xulka France ee Kylian Mbappe ka hor kulanka caawa.

Hazard ayaa rumaysan in Kylian Mbappe uu u qalmo inuu ku guulaysto abaal marinta xiddiga adduunka marka la fiiriyo bandhigiisa fiican.

Eden ayaa si wayn ula dhacsan qaab ciyaareedka weerar yahanka PSG iyo xulka France ee Kylian Mbappe, wuxuuna yiri:

“Marka la fiiriyo bandhigiisa, waa wax iska cad in Kylian Mbappe uu awoodo ku guulaysiga Ballon d’Or”.

“Wax tarkiisa, awoodiisa, ani ahaan waxaan leeyahay “Haa” dhab ahaan waa uu u qalmaa ku guulaysiga abaal marintaas”.

“Dhawr mar ayaan taleefanka kala hadlay, wuxuu i tusiyay muuqaalo soo bandhigaya xirfadiisa markii uu yaraa, haatana waanba u jeedaa”.

“Waan ixtiraamayaa waxa Kylian Mbappe uu soo bandhigayo isaga oo jira da’daan, kubadda cagta ee casriga ah kuma arkin isaga oo kale”.

Comments

comments

SHARE