‘’ Makashaye Jacaylkii ,Naxdintiisu Kugu Maqan’’.

19

‘’ makashaye jacaylkii ,naxdintiisu kugu maqan’’.

Muhuraanka wadda jirra
Miciinkii isugu dhaw
Sida labba mataano ah
Is mutoo is aaminay .

Sidda geed isugu maran
Sidda marro isugu yaal
Maqaarkoodda mooyee
Malahoodu Keli yahay .

Qalbigaad maslixi layd
Mooralkiisa jebisaye
Makashaye jacaylkii
Eebadiisu kugu maqan .

Mataanaha gacmaha iyo
Modigta iyo bidoxdaan
Kala maarmin weligood
Meel qudha ku wadda yaal .

Mid hadii la gooyana
Ta kalaa mildhowdoo
Kala siman madluunkiyo
Mililkiyo xanuunkee .

Qalbigaad maslixi layd
Mooralkiisa jebesiye
Makashaye jacaylkii
Eebadiisu kugu maqan .

W/Q Axmed Nuur Gurruje

Comments

comments

SHARE