Deg Deg: Cristiano Ronaldo Oo Imika Si Rasmi Ah Uga Degay Juventus + Qiimaha Lagu Iibsaday

147

Deg Deg: Cristiano Ronaldo Oo Imika Si Rasmi Ah Uga Degay Juventus + Qiimaha Lagu Iibsaday

Sida muuqata Cristiano Ronaldo ayaa ka tagaya suuqa xaggaagan kooxdiisa Real Madrid oo uu u ciyaarayay muddo dhan 9-sano.

Juventus ayaa isku dayeeysa inay si dag dag ah ku dhamaystirto saxiixa Cristiano Ronaldo ka hor inta kooxdu aysan bilaabin u diyaar garowga xiliciyaareedka cusub.

Shabakada Sport Mediaset ee dalka talyaaniga ayaa daaha ka qaaday waqtiga rasmiga ah ee Juventus ay qorshaysay inay saxaafada u soo bandhigto laacibkeeda cusub.

Maamulka Juventus ayaa isku raacay in isbuucaan la dhamaystiro saxiixa Ronaldo oo ku kacaya 100 milyan oo euro, waxaana la soo bandhigayaa sabtiga oo taariikhdu ku beegan tahay 7-da July sida lagu sheegay warbixinta.

Comments

comments

SHARE