Kaftanka Maanta Heesaha Ay Dhageystaan Beelaha Somaliland Iyo Laxamada U Saaran “Axmed Nuur Guruuje

Kaftanka Maanta Heesaha Ay Dhageystaan Beelaha Somaliland Iyo Laxamada U Saaran “Axmed Nuur Guruuje

‘’ kaftanka maanta,heesaha beelaha’’.

Mafaariishta jaadka iyo maqaaxiyaha laggu barjeeyo ,rikoodhadda ka shidan ,beel waliba hees bay ku qayilaysaayoo ay sheegta u raaricinaysaayoo ,

Qoladda garxajis waxay dhagaysanaysaa ,

Weyl baa nin waa yidhi,
Ana ruux wahsanayoo
Orod waayay ha ibidin
Adiguna waraabiyo
Ha Isa siinin weeeaha
Dhiin waalna yuu gushing

Qoladda habar awala ,waxay dhagaysanaysaa ,

Hadal waalid ma diidi karro
Habaar adag buu dhalaa
Jacaylkuna wuu I hayaa
Haduu Arrin igu habsaday
Halkeen tallo kagga hagaagaa .

Qoladda habar jeclana waxay dhagaysanaysaa ,

Cabdoow barisamaadkii
Marka sheeko baraleey
Kaftan la isla beegsado
Ma baraarugtayoo
Bohol yow ma Oydaa .

Qoladda arabna waxay dhagaysaysaa ,

Qalbi saafiyiyo
Wedne dhiig socdaba
Saakinoow ilayn
Waaka simanahee .

Anba waan sigtee
Sidaan ahay bal eeg .

Qoladda ayuubna waxay dhagaysanaysaa ,

Anba hooto iyo waran
Miyuu iila kala hadhay .

Qoladda gadabiirsina waxay dhagaysanaysaa ,

Waah waah
Waabad iga darayd show .

Qoladda Hartina waxay dhagaysanaysaa ,

Sidduu caynku kuu gubay
Ana cidhibta hoosiyo
Cagtaa II dalooshee .

Comments

comments

SHARE