Deg Deg: Qodabo Xasaasi Ah Oo Ka Soo Baxay Shir Weynihii Beel Weynta Garxajis

25

Deg Deg: Qodabo Xasaasi Ah Oo Ka Soo Baxay Shir Weynihii Beel Weynta Garxajis

Waxaa maanta si rasmi ah u soo

xidhmay shir sagaalkii cisho ee ugu danbeeyey u socdey beesha Garxaajis , waxaana shirkaas oo maanta soo xidhmay laga soo saaray 8 qodob oo kala ah .

1.    In Midnimada In Garxajis ay ka tahay midka koowaad .

2.   In Saami qaybsiga dawlada uu yahay mid aan cadaalad ku dhisnayn

3.  In Qootada qandaraasyada dalka   cid gaara ah la siiyay

 

4.  In Sinaanshiiyo laan ay beeshu ku tirsaneyso  shaqaalaha dawlada, ciidamada , saraakiisha ciidamada iyo waxii la mid ah

5. In beelaha Somaliland oo dhan lala shiro si dib loogu soo noqdo Axdi qarameedkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay

6. In la furo dastuurka dalka si beelaha darafyadu uga Qaybta qaataan dawlada Hogaanka dalkana loogu sinaado

7. Beeshu waxay cadaynaysaa in labadii xukuumadeed ee iska dambeeyay Aanay dhex ka ahayn colaaada Ceel Afweyn ,Waxaana ay ku eedeeyeen in qaaar ka mida wasiirada xukuumada Muuse sii hurinayaan colaaadaaas

8. Waxaanu ka digaynaa in Beesha lagu sheego Somaliweyn, maadaama beeshu ahayd bud dhigii xoraynta dalka dad badana kaga dhinteen.

Comments

comments

SHARE