DEG DEG: Xiddig ka tirsan Argentina oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib guul daradii ka soo gaartay France!

Argentina ayaa laga cirib tiray koobka adduunka kadib guul daro ka soo gaartay caawa xulka qaranka France.

Javier Mascherano ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib markii uu ku guul daraystay inuu xulkiisa u qaado koobka adduunka.

34 jirkaan ka xamaasha horyaalka Shiinaha ayaa yiri dhamaadkii ciyaarta:

“Qisadii waa ay soo idlaatay, wax walba oo aan heli karnay waan soo bandhignay, haatan waxaan taageere u noqonayaa xulka aniga oo rajaynaya in ciyaartoydaan ay mustaqbalka gaari doonaan guul”.

“Waxaa la joogaa waqtigii aan dhihi lahaa nabadeey”.

Comments

comments

SHARE