Somaliland: Hoggaanka Dhaqanka Iyo Qaar Ka Mid ah Siyaasiyiinta Bariga Burco Oo Kulan Gaar Ah Oo Ay Hargeysa + Shir Weyne Ay Beeshoodu Iskugu Imanayso Iyo Arimaha Ay Diiradda Ku Saareen

37

Hoggaanka Dhaqanka Beesha Bariga Burco iyo Qaar ka mid ah Siyaasiyiintooda ayaa kulan gaar ah oo ay Hargeysa ku yeesheen waxa ay kaga hadleen xaalado kala duwan oo la soo gudboonnaaday Beeshooda waxaanay aakhirkii sida la sheegay go’aamiyeen inay lagama maarmaan tahay inay beesha guud iskugu timaado shir weyne loo dhan yahay oo arimo ay kulankaasi ku lafo gureen lagaga arinsanayo.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Kulankaasi uu Habeen Hore ka qabsoomay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa islamarkaana uu shir Gudoominayay Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Magaalada Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali,islamarkaana ay ka soo xaadireen inta badan labeenta Dhaqanka Beeshaasi oo uu ka mid yahay Boqor Cismaan Awmaxamuud “Buurmadow” iyo oday dhaqameed kale oo door ah,waxaana sida lanoo xaqiijiyay Kulankaasi iyaguna aan ka madhnayn oo ka soo qayb galay Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta beeshaasi gaar ahaan kuwa aan xilalka ka hayn Xukuumadda Hadda Jirta,balse Xukuumaddihii ka horeeyay Xilka soo qabtay.

Kulankan oo aan Saxaafada loo ogolayn islamarkaana ahaa mid gaar ah oo ay beeshaasi kaga arinsanayso arimo u gaar ah oo hoose ayaa waxa sida lanoo sheegay lagu lafo guray arimo door ah oo ku saabsan xaalado kala duwan oo beeshaasi la soo darsay. Waxa ay warar hoose oo kulankaasi ku saabsani Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in kulankaasi ay beeshu ku qaadaa dhigtay hanaanka geedi socod ee Xukuumadda hadda jirtay,saluugga ay ka qabaan iyo xaalada ka taagan Gobolka Sanaag,waxay sidoo kale si gaar ah ugu dul istaageen tabashooyin badan oo isasoo taraya oo ay Beeshaasi qabto kuwaasi oo la sheegay inay la xidhiidhaan dhinaca Mansabyada ee Beeshaasi ee Gobolada Bariga gaar ahaan Gobolka Sanaag oo la sheegay in intii ay Xukuumaddani jirtay masuuliyiin Beeshaasi ka tirsan oo xilal ka hayay xilalkii laga qaaday arimo jira awgeed.waxa ay sidoo kale kulankan si weyn taageero ugu muujiyeen Hawlaha Nabadaynta ah ee Madaxweyne Biixi ka dhex wado Beelaha Walaalaha ee Ceel Afweyn dhawaan ku diriray.

Majiro War murtiyeed kulankaasi ka soo baxay oo rasmi ah oo warbaahinta loogu talo galay ama loo qaybiyay balse tibaaxo hoose oo Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in biyo dhicii kulamkaasi lagu go’aamiyay shir weyn ay beeshaasi iskugu timaado oo ay kaga arinsanayso arimo aan si rasmi ah loo wada ogayn balse ku salaysan tabashooyin iyo xaalado si gaar ah u khuseeya isdiidooyinka ka aloosan Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland.

Comments

comments

SHARE