Somaliland: “Anigu Waxaan Ahay Nin Iska Sharixi Kara KULMIYE, Jeegaan Uma Yaqaano…” Siyaasi Cali Warancadde Oo Arrimo Badan Ka Hadlay

Cali Maxamed Warancadde oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadlay colaadda Ceel-weyn waxaanu sheegay in coladdaasi soo noqnoqnaysa ay sabab u tahay labada beelood ee dagaalama ay ku andacoodaan inta badan in ay iaygu yidhaahdaan anagaa wadda xaajoonayna oo colaadda dhexdayada taal nabad ku dhammeynayna. Cali Warrancadde waxa uu sheegay in aan mar danbe aan laga aqbalin in labadaasi reer aan laga aqbalin in ay dhahaan anaga ayaa heshiin doonna. Waxa uu raaciyey intaasi sidoo kale Cali Warrancadde in la doono cid madaxbanaan oo u garnaqda oo ciddii gardarada leh sheegta.

Siyaasi Cali Warancadde sidoo kale mar wax laga weydiiyey colaadda ka taagan deegaanka Tuke-raq waxa uu sheegay in dagaalku aanu u dhaxeyn Somaliland iyo maamulka Puntland ee dagaalkani u dhaxeeyo Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya waxaanu ku eedeyey in uu dagaalkaasi si cad uga danbeeyo madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirkii hore ee arrimaha guddaha Somaliland wakhtigii xukuumadda madaxwayne Siilaanyo Cali Maxamed Warancadde oo telefiishanka HCTV wareysi gaar ah ku siinaayey dalka Ustareeliya oo uu bookhasho waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay isbeddelada ka socda dawladda Itoobiya, arrinta hawada Somaliland oo lagu wareejiyey dawladda Soomaaliya oo uu sheegay in aanay  wax saameyn ah ku yeelan doonin Somaliland.

Ugu danbeyntiina Cali Maxamed Warancadde waxa uu ka hadlay xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in uu u sharaxan yahay jagada guddoomiyenimo ee xisbigaasi. Weriyaha oo weydiiyey Cali Warancadde sida uu kursigaasi ugu guuleysan karo maadama oo xisbigu yahay wax lagu tilmaamay “Jeegaan” oo loola jeedo laba reer oo qudha ayuu xisbigu u xidhan yahay oo cid kale jagadaasi ma qaban karto – isaguna uu yahay siyaasi aan labadaasi reerood (Habar Jeclo & Habar Awal) aanu midna ka soo jeedin waxa uu yidhi “Anigu waxaan ahay nin iska sharixi kara Kulmiye, Jeegaana uma aqaano ee Kulmiye ayaan u yaqaanaa. Kulmiyena waa xisbigaygii. Waan iska soo sharaxayaa sharci iyo nidaam toona oo ii didayaa ma jiro. Aniga iyo qeyrkayba waanu iska sharaxi doonnaa.”

Ugu danbeytiina Cali Warancadde waxa uu baaqnabaddeed u diray dadka ku dagaalamaya deegaanka Ceel-afweyn iyo sidoo kale dhinacyada Puntland iyo Somaliland.

Comments

comments

SHARE