Somaliland: Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Itoobiya

26

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Md. Muuse Biixi Cabdi,ayaa cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay fagaaraha loo yaqaanMeskel Squareee

23.06.2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Md. Muuse Biixi Cabdi,ayaa cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay fagaaraha loo yaqaanMeskel Squareee magaalada Addis-Ababa, halkaasi oo uu ka dhacayey isu soobax lagu taageerayey Raysal Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed,siday werisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Qaranka JSL isagoo ku hadlaya afka Xukuumadda iyo ka shacbiga Somaliland ka tacsiyadeynayaa Raysal-wasaaraha, xukuumaddiisa iyo shacbiga Itoobiya dadkii ku geeriyooday iyo intii kale ee ku dhaawacan tahay qaraxaas oo ahaa fal arxan darro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda SomalilandMd. Muuse Biixi Cabdiwaxa uu sheegay in xukuumad iyo shacbiba ay garab taagan yihiin dawladda iyo shacbiga Itoobiya oo ay wadaagaan xidhiidh sokeeye, mid derisnimo iyo mid saaxiibtinimo intaba.

Wa billaahi Tawfiiq

Mud: C/Raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo)

Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumada JSL.

Comments

comments

SHARE