Deg Deg:Wararkii Ugu Dambeeyey Shirweynaha Tol-Wanaaje2 Ee Beelaha Garxajis,Ajandayaasha Miiska Saaran Iyo Siyaasiyiin Ka Socda Xisbiyada Oo Laga Joojiyey Shirka Inay Ka Qayb Galaan

Deg Deg:Wararkii Ugu Dambeeyey Shirweynaha Tol-Wanaaje2 Ee Beelaha Garxajis,Ajandayaasha Miiska Saaran Iyo Siyaasiyiin Ka Socda Xisbiyada Oo Laga Joojiyey Shirka Inay Ka Qayb Galaan

Wararkii Ugu Dambeeyey Shirweynaha Tol-Wanaaje2 Ee Beelaha Garxajis,Ajandayaasha Miiska Saaran Iyo Siyaasiyiin Ka Socda Xisbiyada Oo Laga Joojiyey Shirka Inay Ka Qayb Galaan Shir-weynihii Tol-wanaaje2 ee ay u ballansanaayeen Beelaha Ismaaciil Sheekh Isaxaaq (Garxajis) Ayaa Maalintii 2aad Si Rasmi Ah Uga Socda Buurta Gacan-Libaax,Waxaana Shirkaasi Weli Kusii Qul Qulaaya Madaxdhaqameedka Iyo Ergooyinka Ka Qayb Gelaaya Shirkaasi.

Shirkani Waxaa La Diyaariyey Dhamaanba Ajandayaashiisa Waxaana Maanta Si Rasmiya Goroda Isla Galay Ergooyinka Kala Duwan Ee Shirkaasi Ka Qayb Gelaaya

Ajandayaasha Shirka Ee Miiska Saaran Waxaa Kamida Qodobadan,

Guddi Siyaasadeed oo shirka laga yagleeli doono taasi oo jaan-goyn doonta geeddi socodka siyaasadeed ee mustaqbalka iyo halka beeshu diiradda ku saari doono dhinaca siyaasadda.

Sido Kale Wararka Aanu Helayno Ayaa Sheegaya Sidii Beeshu Mawqif Adag Uga Qaadan Lahayd,Saluuga Siyaasadeed Ee Ay Ka Qabto Xukuumada Ka Dhalatay Xisbiga KULMIYE,Waxaanay Beelahani Diirada Saari Doonaan Sidii Ay Gacanta Ugu Dhigi Lahayeen Xilalka Qaranka Ugu Sareeya,Doorashada Soo Socotana Ay Igau U Hogaamin Lahaayeen

Qodobada Sido Kale Lagaga Arinsanaayo Waxaa Kamida Colaada Soo Noq-Noqotay Ee Ka Taagan Degmada Ceel-Af Weyn Iyaga Oo Kawada Qaadan Doona Mawqif Mida,

Wararka Kale Ee Shebekada BurcoOnline,Helayso Ayaa Sheegaya In La Xakameeyey Habsami U Socodka Shirka Isla Markaana Shirka Laga Waabiyey Siyaasiyiin Doonaayey Inay Ka Qayb Galaan Kuwaas Oo Ka Kala Socda Xisbiyada Qaranka Sida WADDANI,KULMIYE Iyo UCID,Inkasta Oo Aan La Sababayn Waxa Keenay In La Hor Istaago,

Comments

comments

SHARE