Deg Deg: Siyaasi Cali Gurey Oo Ka Hadlay Shirka Beel-weynta Garxajis Balse Muxu Ka Yidhi (Shar Ama Khayr,,)

Deg Deg: Siyaasi Cali Gurey Oo Ka Hadlay Shirka Beel-weynta Garxajis Balse Muxu Ka Yidhi (Shar Ama Khayr,,)

Siyaasiga Rug Cadaaga ah Ee Cali Maxmed Cali Gurey Oo Ku Magac Dheer (Run Sheeg) aya waxa u si Haybad leh uga Hadlay Shirka ay qabsadaan Reeraha Somaliland Balse Muxu Ka Qoray Siyaasi Cali Guray

WAR NABADA LAYDIN SII
Qabsoo anigu ninka weligii shir reer ka qaybgalay ku reerakaygu qabsadayna ha noqdo ma ihi. Allay lehe hadii abaabulkiisa lagu murmo way qabsan karaan iyo ma qabsan karaan ayuun baan mawqifkayga cadeeyaa oon idhaa way qabsan karaa oo xaq bay u leeyihiin ma kuwii shiray ee la ogolaa bay ka duwan yihiin. Hadii kale mana hambalyeeyo shuqulna kuma darsado halkaana uma dhaafo.
Inta badan wax xumi kama soo baxaan reer shiray oo hogaamiye dhaqameedkiisii iyo waxgaraskiisiiba ay goobjoog yihiin go’aamada ka soo baxa shirarka reeruhu qabsadaanna waaba isku mid oo waxba kuma kala duwanaadaan. Xataa hadii ay jiraan shakhsiyaad marka hore abaabulkiisa dano gaar ah ka lahaa marka la isu yimaado sidii ay doonayeen wax waliba uma dhacaan sababtoo ah danaha gaarka loo kala leeyahay reer ku heshiin karaa ma jiro ee danaha la wada leeyahay ee reerka ka dhexeeya ayuun buu reer ku heshiin karaa hadii ay dano siyaasadeed yihiin reer walba wuu leeyahay kuwo mucaarid ah iyo kuwo muxaafid ah oo kala dano ama kala aragtiyo siyaasadeedba ahi. Markaa aniga xagayga shir reer oo dhami iigama duwana laba-kaclayntii xiligii Siyaad Barre ee Cabdiqays lahaa:
Filimkii mar quufliyo
Qarni hore la ii dhigay
Sheekadaan qawadayeen
Qarqarsiga ku fiirsaday
Qisaday metelayeen
Jilayaasha qaawani
Qoormurux haduu rabo
Qasab inan ku daawado
Mar labaad ku qabatimo
Qorshihiisu waa nacas

Markaa anigu shir reer marna ma sharaysto wax wayn oo muhiim ahna kama filo inay ka soo baxaan laakiin khayr baan u rajeeyaa kan Ismaaciil Sheekh Isaxaaqna khayr baan u rejeynayaa kana rejeynayaa

Comments

comments

SHARE