Deg Deg: Madaxweyne Biixi Oo Imika Farrin Culus U Diray Raysal Wasaaraha Itoobiye

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Itoobiya Fariina Udiray Raysal Wasaaraha Dalkaasi.
Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa cambaareeyey qaraxii shalay ka dhacay isu soo bixii shacbiga ee lagu qabtayfagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis-ababaee lagu taageerayey Raysul-wasaare Abiy Ahmed,

Sidoo kale waxa ay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee JSL ka tacsiyeynayaanRaysal-wasaaraha Itoobiya Md. Abiy Ahmed,xukuumadiisa iyo shacbigaba, dadkii ku geeriyooday iyo intii kale ee ku dhaawacan tahay qaraxaasoofal arxan darro ahaa oo ay sameeyeen kuwa nabad diid ah.

Madaxweynaha JamhuuriyaddaSomaliland Md. Muuse BiixiCabdi waxa uusheegay in xukuumad iyo shacbiba ay garab taagan yihiin dawladda iyo shacbiga Itoobiya oo ay wadaagaan xidhiidh sokeeye, mid derisnimo iyo saaxiibtinimaba.

Comments

comments

SHARE