Deg Deg: Mas Khatar ah Oo Dad Badan Ku Leeyey Deegano Ka Tirsan Gobalka Saaxil + Inta Qof Ee U Cunay Tiradooda + Qaylo Dhaan Ka Soo Yeedhay Deeganadasi

Deg Deg: Mas Khatar ah Oo Dad Badan Ku Leeyey Deegano Ka Tirsan Gobalka Saaxil + Inta Qof Ee U Cunay Tiradooda + Qaylo Dhaan Ka Soo Yeedhay Deeganadasi

Laba qog,ayaa u dhintay Abeeso cuntay deegaanka degmada Xagal oo ka tiran gobolka Saaxil,waxaanay dadweynaha degmada Xagalqaylo dhaan wyn u direen wasaaradda Caafimaadka oo ay ka codsadeen in ay la soo gaadho dawooyin wax ka tara qanniinyadaa Abeesada oo deegaanka degmada Xagal ay u jiifaan dad badan oo ay ku cuntay isla markaana dhawr qof ugu geeriyoodeen.

 

Dhinaca kale hawl-wadeenada caafimaadka ee degmada Xagal,ayaa tilmaamay in aanay jirin dawo qaniinyada abeesada ah oo ay hayaan ama dalkaba taalla laakiin ay kula tacaalaan ookeliya dawooyinka kale ee ay u heli karaan.

 

Deegaanka degmada Xagal oo 90-KM dhanka bari ka xiga degmada Berbra ee Xarunta gobolka Saaxil ayay xilligan kulalylaha ee xagaaga halis wayn dadka ay ku haysaa Abeesada oo aad ugu badan isla markaana xilliga kulaylka ka soo baxda godadkeeda oo dadka cunta waxaana deegaankaa ku geeriyooday ugu yaraan aba qof oo kala ah haweenay waayeel ah iyo inan yar waxaa kale oo deegaanka u jiifa dad badan oo ay cuntay sida ay ku warrameen dadka deegaanka iyo hawl-wadeenada caafimaadka ee degmada Xagal.

 

 

Aabo Jaamac Cali nuur oo dhalay gabadh yar ee u dhimatay qaniinyada Abeesadani oo todoba sano jir ahayd ayaa sheegay in ay dhibaato badan ku heyso abeesadu, waxaanay sidaa ka sheegeen mar ay u waramayeen Radio Ergo

 

Aabo Jaamac oo ka hadlayay sida ay inantiisa yari ugu dhimatay qanniinyada Abeesada ayaa yidhi “Habeenkii ay qaniintay habeenkii ku laba ahaa ayay naftu ka baxday gabadha yar, waxyaabaha aanu daawo ahaan u isticmaali jirnay waxaa ka mid ahaa Badhida iyo Caanaha geela, dadkii ay sannadkii cunto halkan laguma soo koobi karo, hadda oo ay kuleyle tahayna waaba ay ka sii badan tahay, todobaadkiiba todoba qof ayay cuntaa markay u yar tahay, deegaanka Xagaleed uunbaanu hoos nimaadnaa oo wax daawo ah oo yaalana ma jiraan, markaa dhibaato aad u weyn ayay nagu heysaa bahashaasi, markay qofka qaniintana halka ay ku cuntay uunbaa lagu hayaa oo lagu baxnaaniyaa, Berbera amase Burco ayaa gaadhi noogu dhaw, inanta yarna todobadii habeenimo ayay qaniintay markaa todobadii habeenimo ee dambe ayay geeriyootay”

 

 

Saleebaan Maxamed Dubad madaxa xarunta caafimaadka ee deegaanka Xagal ayaa sheegay in xaruntoodu ka aradan tahay guud ahaanba adeegyada caafimaadka waxaanu yidhi “Abeesadu dhibaato badan ayay nagu heysaa imika oo kale bishan aynu ku jirno oo ah bishii kuleylaha wey ka soo baxda godadkii ay ku jirtay deegaankan aanu joogno wax daawo ah looma helo dadka ay qaniinto (Flenbo) daawada fuuq baxa soo celisa ayaanu ku xidhnaa sidoo kale waxaanu siinaa xumad jabiye, hase ahaate imika wax daawo ah oo aanu heynaa ma jirto, qofkana goobtaa ay ku qaniintay lagama qaad qaado oo waxaa la yidhi suntan ayaa ku faafta, hase ahaate dadka inta ay qaniintay ayaa ku badan ee deegaanadii ay ku cuntay laga soo qaadi kari waayay oo hoos jiifa deegaanadii ay ku qaniintay”.

 

 

Sahra Kaariye Maxamed waa hooyada dhashay gabadh 18/6/2018 la keenay xarunta hooyada iyo dhalaanka ee deegaanka Xagal gabadhaasi oo lagu magacaabo Najax Cabdillaahi waxaa ay taxday baahiyaha dhanka caafimaadka ee ay ka deegaan ahaan baahida weyn u qabaan waxaanay tidhi “Inantu waa da’da 19- jirka, inanta hadda xaaladeeda caafimaad aad iyo aad ayay u culus tahay IILAAHAY wuxuu ka dhigaba, oo miyirkeedu waa uu maqan yahay, dhibteedu aad iyo aad ayay u fara badan tahay oo dadka meesha aad iyo aad ayay ugu cuntay, inta badana dadku waa qaar dhinta daawo la’aanina meesha waa ay nagu heysataa, baabuur xumo waa ay naga heysaa, gaadiidkuna waa qaar noo soo jooga ama Berbera amase Burco, gaadiidkan gurmadka deg dega ah ma lihin xaruntayada hooyada iyo dhalaankuna mid sidii la rabay u shaqeysa maaha oo imika muddo laba bilood ah daawo lama keenin, deegaankan islaanba u dhimatay qaniinyada abeesadan, wax daawo iyo taakulo ah oo aanu meesha ku heysana ma jirto oo meesha aad iyo aad ayaanu ugu dhibaateysnahay, gaadiid markiiba carara oo qofka goobihii caafimaadka la gaadha ma heysano meeshu 90-km ayay dhanka bari ka xigtaa magaalada Berbera gaadhi aad soo kireysato oo lacag badan ka bixiso mooyaane gaadhii kale meesha ma maro”.

 

 

“Ma jirto daawo saxa oo ay leedahay oo wadanka taala hase ahaate daawooyinka kale uunbaanu siinaa, iyada oo abeesadu saddex nooc wax u dileysa saddexdaasi noocna daawooyinkoodu waa isku mid oo Anti Flem ayaa la yidhaaha oo dalkeena ma yaalaan, waa sida daawooyinka talaalada oo kale teedu qofkii markaaba wadnaha ayay gaadheysaa oo biyaha lama siiyo, Abeesadan xeebaha wadankeena joogta marka ay ku qaniinto midi dhiiga ayay sumeyneysa kadibna dhiigi xinjirowgii ayaa ka ba’aya qofkana meelkasta oo laga mudo dhiigbaa ka imanaya oo dhiigbax ayuu u dhintaa qofkaasi” Ayuu Dr. Faysal Cali Axmed oo ka mid ah dhakhaatiirta cisbitaalka magaalada Berbera .

Comments

comments

SHARE