Deg Deg: Madaxweyne Geelle Oo Ka Hadlay Qaraxii Maanta Lala Beegsaday Itoobiye Balse Muxu Ka Yidhi ?

Deg Deg: Madaxweyne Geelle Oo Ka Hadlay Qaraxii Maanta Lala Beegsaday Itoobiye Balse Muxu Ka Yidhi ?

Madaxweynaha dowlada Jabuuti Ismaanciil Cumar Geelle ayaa cambaareeyay qaraxii ka dhacay fagaare uu ka khudbeynayay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed kaas oo maanta ka dhacay magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yidhi “weerarkaas wuxuu ahaa weerar uu fuliyay qof ka soo horjeeda midnimada Itoobiya…”

Qaraxa maanta ka dhacay fagaaraha Meskel Square ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay dad ka baday 130 ruux sida saraakiisha caafimaadka ay ku waramayaan.

Sidoo kale Weerarkaas ayaa loo qab qabtay dad looga shakiyay in ay ka dambeeyeen kuwaas ka dawarsanayay meel aan ka fogeen goobta uu qaraxa uu ka dhacay.

Comments

comments

SHARE