Deg Deg: Madaxweyne Farmaajo Oo Imika Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Itoobiye

Deg Deg: Madaxweyne Farmaajo Oo Imika Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Itoobiye

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii saaka ka dhacay fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu kula hadlayey kumanaan ruux.

Farmaajo ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay falkaas macno darada ee lagu waxyeeleeyay dadka rayidka, isagoo tacsi u diray ehelada dadka waxyeeladu soo gaadhtay.

” Waxan si adag u cambaareynayaa qaraxii maanta lagula beegsday dadkii kasoo qeyb galay isu soo bixii lagu taageerayay RW Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Horumarka Ethiopia iyo midka gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo argagixin iyo fowdo ”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo qoraal lagu soo qoray barta Twitter-ka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isagoo u muujiyay garab-istaag.

Qaraxii saaka ka dhacay fagaaraha Meskel Square ayaa dad kala duwan loo qabtay, waxaana warbaahinta Itoobiya ay soo warineysaa in qofka tuuray bam gacmeedka uu xirnaa dharka ciidamada.

Ugu yaraan 100 qof ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen qaraxaas, kuwaasoo midkood markii dambe geeriyooday.

Comments

comments

SHARE