Deg Deg: Dagaal Culus Oo Imika Ka Bilaamay Tuko-Raq Iyo Dhawaaqa Xabada Oo La Isla Soo Galay Gudaha Tuko-Raq

15

Deg Deg: Dagaal Culus Oo Imika Ka Bilaamay Tuko-Raq Iyo Dhawaaqa Xabada Oo La Isla Soo Galay Gudaha Tuko-Raq

Dagaal Culus Oo Imika Ka Dhex Qaraxay Somaliland Iyo Puntland + Khasaaraha Ka Dhashay

Ciidanka Puntland iyo Somaliland oo Maanta Aad Isugu Dhow iyo Rasaas Galabta Lays Dhaafsaday

Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa saaka lagu soo waramayaa inay tahay mid aad u kacsan xilli ay halkaasi abaabul dagaal ka wadaan ciidanka Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo ku kala sugan hareeraha degmadaasi.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka ayaa saaka ku soo waramaya inay maqlayeen rasaas ay ridayaan ciidanka Puntland, taasi oo muujinaysa in saacad walba ay macquul tahay inuu dagaal ka qarxo deegaankaasi Tukaraq oo muddo ciidanka labada dhinac isku horjoogaan, sida uu BurcoOnline.com u sheegay goob jooge ku sugan Tukaraq.

Warar hoose ayaa sheegaya in ciidanka difaaca Puntland iyo Soomaaliland ay si aad ah isugu soo durkeen, taas oo welwel iyo cabsi ku beertay dhinaca ka soo horjeda ee Somaliland,Ee Puntland oo rumeysan in haddii dagaal dhaco wax badan ay isbedeli doonaan.

Comments

comments

SHARE