Wax ka ogoow Sida uu Xulka Argentina Ugu Soo Bixi Karo Groupka D, kadib guuldaradii Croatia?

Croatia ayaa xaqiijisay in ay gareen wareega 16 markii ay ku raaxeyteen xulka Argentina cayaar ku dhamaatay 3-0.

Hore xulka Argentina ayaa si aad u adag kaga soo baxay kulamadii isreeb-reebka koobka adduunka ee koonfur America iminkana waxay u muuqataa mid ay luntay rajadooda tartanka .

Sida Ay Kusoo Bixi Karaan Xulka Qaranka Argentina?.

Hadii ay Iceland badiso kulankeeda labaaad ee Nigeria:

Argantina waxey u baahanaan doonaan In ay ka badiyaaan Nigeria Xili ey Sugi donaan natiijada kasoo bixi karata kulanka sadaxaad ee Iceland iyo Croatia waxayna kusoo bixi karaa  Argentina in Iceland la garaaaco waxana markaas ka dib la eegi donaaa farqiga gooolasha ay dhaliyeeen iyo kuwa laga dhaliyay wadama Iceland iyo Argentina oo isku dhibco noqon kara .

Hadii ay Iceland iyo Nigeria bar bar dhac galaaan kulnakooda labaad Ee Groupka D:

waxay ubaahan yihiin in ay ka badiyaaan Nigeria Ciyaartooda 3-aaad ee Group ( D ) Xili ay Sugi donaan natiijada kasoo bixi karata kulanka  Iceland iyo Croatia waxayna kusoo baxan Argentina in Iceland lagaraaaco  ama ey bar bar dhac la gasho xulka qaranka Croatia.

Hadii ay Nigeria  badiso Kulankooda Labaad Ee Iceland:

Waxay u baahan yihiin in ay ka badiyaaan Nigeria Kulanka Sadaxaad ee Groupka D  waxana ey ubahan yihiin in ey goolalal badan dhaliyaaan si kaalinta labaad ee Groupka ay kagala baxaan wadanka Iceland Xili ay Sugi doonaan natiijada kasoo bixi karata kulanka Sadaxaad ee Iceland iyo Croatia oo waxa ay leyihin markaas rajo aad u wanagsan waxaana ay noqoneysaa in Argentin ay soo baxan xitaa hadii ay Iceland garacaan kulankooda Sadaxaad Wadan haaatan hogaaminya Groupkan D ee Croatia .

Waxaa xusid mudan in ilaa iyo haatan uu xaqiijiyaay u soo gudbida wareega xiga ee koobka aduunka wadanka Croatia oo haaatan 6 dhibcood ku horakacaaya Groupka D.

Comments

comments

SHARE