Layaabka Dunida: Bulsho Qalfoof Kasta Oo Maydka Dadkooda Dhinta Ah Marti Galisa Oo Aan Xabaalaha Ku Darin!!

131

Waddan kasta oo tirada dadkiisu badan tahay oo ay ku nool yihiin Malaayiin iyo Malaayiin qof waxa ku badan in aad mar walba ka maqasho war ku yaab geliya ama aad la yaabto. Sababtaasi darteed ayaad dalalka Shiinaha, Hindiya iyo Indonesia ugu maqashaa mar walba war mucjiso ah oo dadkiisa ku saabsan. Qormadan waxa aan ku eegi doonaa qiso kale oo layaab leh ama caado dhaqan oo layaab leh oo ay leeyihiin qaar ka mid ah qabaa’ilka dalkaasi Indonesia degaa waana iyaga oo maydadka dadkooda dhinta aan aasan balse guryahooda ku kaydsada. Jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia ayaa leh dhaqan iyo caado ah in dadkooda dhinta ay xabaalahooda ka soo saaraan saddexdii sanno mar oo ay u xidhaan dhar cusub isla markaana dib ugu maydhaan oo dhar cusubna u xidhaan.

Bulshadan oo Masiixiyiin ah ayaa fura qabriga maydka dadkooda ka dibna la soo baxa qalfoofka maydka iyaga  ku soo bandhiga goobaha la isugu yimaaddo. Wakhtiga ay soo saaraan qalfoofka maydka dadkooda dhintay ayay qalaan sac ama dibi weyn, waxayna aaminsan yihiin inay marti qaad u samaynayaan maydka. Lafaha neefka ayay sudhaan guriga iyaga oo aaminsan yihiin in mar kasta oo ay badato lafaha guriga la sudhay ay arrintiisu sii weynaanayso maydka, waxaana ay ku magacaabaan xidhiidha kulanka dadka dunida iyo kuwa aakhiro. Waxaanay dadkani aaminsan yihiin in ay sidaa ku raalli galinayaan dadkoodii dhintay.

Comments

comments

SHARE