Deg Deg: Dawladda Soomaaliya Oo Beenisay Hadal Ka Soo Yeedhay Raysal Wasaraaha Itoobiya

Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo arrives for celebrations to mark the 57th anniversary of the Somali National Armed Forces in the capital Mogadishu on April 12. President Farmajo has declared war on Al-Shabab militants. FEISAL OMAR/REUTERS

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya  Daahir Maxamuud Gelle ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiskii ay dhawaan wada gaadheen dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Gelle ayaa sheegay in heshiiskaasi uu ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga, amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Gelle oo la hadlayay BBC-da ayaa tilmaamay in heshiiskan uu muddo soo socday, islamarkaana dowladihii ka horreeyay dowladdan ay soo wadeen, waxaana uu xusay in labada dalba ay heysteen fursado badan.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay hadal ka soo yeedhay shalay raysal wasaaraha Itobiya oo uu sheegay in madaxda Soomaaliya ay isla afgarteen in labada dal ay hal dal isku noqon doonaan.

Comments

comments

SHARE