Hordhaca Kulanka Xamaasada Badan ee Argentina vs Iceland

Iceland waxa uu noqonayaa dalkii ugu yaraa ee u tartama koobka adduunka marka ay la kulmaan Argentina cayaarta ka dhici doonta Moscow.

Xulka uu hogaaminayo Lionel Messi ayaa ku guuldareystay finalkii koobka adduunka 2014 markii guuldaro ay kala kulmeen Germany waqtgii dheeriga.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 04:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Szymon Marciniak (Poland)

Garoonka: Otkrytie Arena

Wararka labada koox

Laacibka qadka dhexe ee xulka Iceland Gylfi Sigurdsson ayaa kasoo laabtay dhaawac jilikaa oo kasoo gaaray kulankii saaxiibtimo ay la yeesheen Ghana asbuucii hore.

Macalinka Argentina Jorge Sampaoli ayaa qaatay go’aan la yaab leh oo ku aadan magacaabis shaxda kowaad maalin ka hor caayaarta, iyadoo ay weerarka kusoo bilaabanayaan Lionel Messi iyo Sergio Aguero.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Kani waa markii u horeysay oo ku kulmaan koobk aadduunka Argentina iyo Iceland.

Argentina ayaa guuldareystay hal kulan todobadii dheel ee u dambeysay heerka Groupka oo ay la cayaraayan kooxda Europ 4 kulan oo ay ka dabiyeen, labo kulanka waxay galeen barbaro. Guuldrada kaliya ee kasoo gaartay waxaa ka badisay qaranka England 2002.

Argentina ayaa shabaqooda ilaashtay seddax kamida afarkii kulan ee u dambeysay koobka adduunka oo ay wajahaan naadiyada Europ, inkastoo ay ku fashilmeen in ay gool ka dhaliyaan labadii kulan ee dambe waxaana kamida finaalkii 2014 oo ay la cayaareen Germany.

Argentina ayaa usoo baxday koobka adduunka markoodii 17 –aad iyo markii 12-aad oo xariir ah. Dhan ahaantii, tan iyo sanakii 1978-dii, kaliya Germany oo shan jeer gaaray finaalka koobka adduunka ayaa kaga badan Argentina oo iyana gaartay afar mar.

Argentina waxay ahaayeen kuwo ka gudbayay heerka Group-ka 11 jeer oo kamida 12-kii mar ee u dambeysay oo ay kasoo muuqdaan tartanka, mar qura oo ay ku hareen Group-ka waa 2002. Sido kale waxa ay adkaadeen 12 kamida 15-kii cayaar ee u dambeysay heerka group2 barbaro iyo hal guuldaraa, waxayna guuldradaas kala kulmeen England 2002.

Argentina ayaa sido kale aheyd kaalita saree ee group-ka mid kasta oo kamida seddaxdii koob adduun ee u dambeysay. Iyagoo badiyay kulamadooda furitaanka mid walba oo kamida lixdii jeer ee u dambeysay koobka adduunka.

Iceland ayaa usoo baxday koobka adduunka markii u horeysay taariikha waana markii labaad oo ay ka qeyb galayaan tartan weyn kadib Euro 2016 markaa oo ay gareen wareega siddeeda. Slovakia ayaa aheyd dalkii u dambeysay ee markii ugu horeysay koobka adduunka cayaara kuwaa oo gaaray wareega bug baxda 2010.

Dalkan ayaa lagu qiyaasaa dadka ku nool 334,000 ( seddax Boqol sodon iyo afar kun ) oo qof markii ay usoo baxeen tartanka, Iceland ayaana ah dalkii u yaraa ebed ee matala taariikhda koobka adduunka.

Comments

comments

SHARE