Dawladda Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Kula Talisay In Ay Iskaga Tagaan Hargeysa & Berbera [Sababta]

28
The self-proclaimed state of Somaliland will vote for a new president on November 13, 2017, hoping to continue a series of democratic transitions of power that sets it apart from its troubled neighbour Somalia. AFP / MOHAMED ABDIWAHAB

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka ee Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda kula talisay in aanay u socdaalin Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera kuwaas oo ujeedooyinka lagama maarmaan ka ah oo kaliya ay u tagi karaan.

Waxa lagula taliyay in dhammaan muwaadiniinta Ingiriiska ee jooga Soomaaliya iskaga taggaan haddii aanay hayn hawl lagama maarmaan ah. Sidoo kale kuwa jooga Hargeysa ama Berbera waxa loo soo jeediyay in ay iskaga tagaan haddii aanay hawl lagama maarmaan ah u joogin.

“Qof kasta oo Ingiriis ah oo bookhanaya Hargeysa ama Berbera waa in uu ku jira feejignaan heer sare ah, waana in uu ka taxadaro meelaha dadku isugu yimaaddo. La soco warbaahinta gudaha iyo ta caalamiga ahba si aad uga fogaato haddii mudaharaado ama qalalaase dhaco. Degdeg uga tag meel kasta oo dibad bax ka jiro hana isku dayin in aad daawato ama sawirro ka qaadato,” Sidaas ayaa lagu yidhi talada Ingiriisku bixiyay oo 11-kii June la cusboonaysiiyay.

Somaliland gaar ahaana magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee warbixinta lagu xusay ayaanay xilligan ka jirin wax ammaan darro ah siiba isu soo baxyo ama qalalaase kale taas oo aan la garanayn waxa dawladda Ingiriisku u cuskatay inkasta oo ay marar hore ku talisay in aanay muwaadiniinteedu u socdaalin Somalia iyo Somaliland marka laga reebo Hargeysa iyo Berbera haddana mudaharaadada ay doorkan u cuskatay ayaan xilligan laga dareemayn magaalooyinkan ama aan laba hayn sansaan ku saabsan oo soo socda.

Warbixintan ayaa dhanka Soomaaliya uga digtay muwaadiniinta Ingiriiska in la qafaasho ama qaraxyo lala beegsado. Waxa loo sheegay in kooxaha argagixisada ahi sameeyeen hanjabaado ka dhan ah reer Galbeedka ama dadka ka shaqeeya hay’addaha reer Galbeedka. Waxa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya oo dhan siiba Muqdisho ay ka jiraan weerarro argagixiso oo laga gaysan karo taas oo aan Somaliland laga reebin.

Waxa tusaale loo soo qaatay Qarax dhimasho badan gaystay oo ka dhacay isgoyska Soobe sanadkii hore waxaana la sheegay in Argagixisadu si aan kala sooc lahayn ula beegsato qaraxyo meelaha dadku isugu yimaaddo, xafladaha heerka sareeya, munaasibadaha dawladda, meelaha ajaanibtu bookhdan iyo hotellada madaxda dawladdu tagaan.

Comments

comments

SHARE