Kylian Mbappe Oo Dhaawac Soo Gaadhay Lana Hadlay Taageerayasha Xulka Farance

Weerar yahanka kooxda PSG iyo xulka France ee Kylian Mbappe ayaa markii ugu horaysay ka soo hadlay dhaawicii ka soo gaaray tababarka xulka.

Kylian Mbappe ayaa shalay laga saaray tababarka xulkiisa kadib markii uu si xun u dhaawacay daafaca Sevilla ee Adil Rami.

19 jirkaan ayaa xaqiijiyay in dhaawiciisu uusan ahayn mid halis ah, wuxuuna ka codsaday taageerayaasha xulka France inay ka leexdaan Adil Rami maadaama uusan u dhaawicin si ku talo gal ah.

ylian Mbappe ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:

“Waan fiicanahay, waxay ahayd kaliya jug yar oo i soo gaartay, waad ku mahadsantihiin fariimihiina, iska dhaafa saaxiibkeey Adil Rami waayo si ku talo gal ah iima dhaawicin”.

Comments

comments

SHARE