Somaliland: 15 Hay’adood Oo Warqad U Diray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Waxa Ay Kala Hadleen

19

15 hay’addood oo ah kuwa hormuudka u ah xuquuqal Iisaanka ee Afrika ayaa dhambaal u diray madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi Lixdii bishan. Hay’addahan ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu wax ka qabto qalalaasaha ka taaggan xorriyadda saxaafadda Somaliland iyo tan muwaadiniinta.

Waxay ugu baaqeen in madaxweynuhu xil iska saaro xorriyatul qawlka, xuquuqda isu soo baxyada, xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda shakhsiyaadka ee Somaliland.

Hay’addahan ayaa walaacooda ku saleeyay saddexdii bilood ee u dambeeyay oo Somaliland lagu xidhay 5 wariye laba telefishanna la xayiray. Sidoo kale muwaadiniin kale oo Naciimo Qorane ka mid tahay lagu xidhay arrimo fikirkooda ku salaysan.

Somaliland president urged to intervene in deteriorating free expression situation

Comments

comments

SHARE