Sheeko: Saddex kun oo dollar ayaa kaga khaldamay taleefan qof kale, kadib wuxuu garaacay taleefankii dhawr jeer lagamana qaban kadib fariin qoraal ah ayuu u diray.

Sheeko Aad U Qosol badan

Saddex kun oo dollar ayaa kaga khaldamay taleefan qof kale, kadib wuxuu garaacay taleefankii dhawr jeer lagamana qaban kadib fariin qoraal ah ayuu u diray.
“Asc walaal waa wilaayadii mujaahidiinta Daacish, waxaanu kusoo diray lacagtii isticdaadka ee aad ugu diyaargaroobi lahayd jihaadka, in sha Allaah beri lixda subaxnimo waa inaad diyaar ku ahaato gurigaaga, toddobaad waxaad geli doontaan tababaro adiga iyo dhalinyaro kale, intaas kadib toos waxaad uga midd noqon doontaan hawlgalada mujaahidiinta, waanuna kusoo ducaynaynaa”. Fariintii markuu helay wuxuu dib ninkii ugu diray lacagtiisi oo ay la socoto lacag dheeraad ah, wuxuuna u qoray fariin uu leeyahay “Walaal waxaan ahay nin dhabarka ka naafo ah oo biro ku socda, waxaanan guriga ku hayaa waalidkay oo mucsur ah, lacagtii waan soo diray waxaanan ku soo daray lacag kale oo aan ugu talogalay in lagu bixiyo qof kale oo siddayda naafo ahayn”. Ninkii oo qoslaya ayaa lacagtiisi dheeraadka ahayd u celiyey.

Comments

comments

SHARE