“Lionel Messi wuxuu u qalmaa inuu ku guuleysto koobka aduunka”… Arturo Vidal

Arturo Vidal ayaa rajeynaya in Messi uu ku guuleysan doono Koobka Aduunka 2018, kaasoo ka daah furmi doono khamiista dalka Russia.

Vidal ayaa ka hadlay koobka aduunka ee 2018 kahor inta uusan ka furmin khamiista soo aadan dalka Russia wuxuuna u rajeeyay in Argantina ay ku guuleysan doonto sababa la xiriira Messi

“Waxay aheyd farxad weyn inaan kaga guuleysano Copa America xulka qaranka Argentina”.

“Kama baqayo Messi, laakiin waa inaad isaga weydiisaa hadii uu baqayo, waxaan ka guuleestay kulamo final ah, haddii aan mar kale wajahno, waan ku guuleysan doonaa”.

“Waxaan rajeynayaa in Argentina ay ugu guuleysan doonto Koobka Aduunka sababa la xidhiidha Lionel Mesi dartiis, kaasoo u qalma inuu ku guuleysto, iyo sidoo kale macalinkeena hore ee Jorge Sampaoli”.

“Waxaan sidoo kale jeclahay in saaxiibkey James Rodríguez uu koobka aduunka kaga sameeyo bandhig cajiib ah xulka qaranka Colombia”.

Si kastaba xulka qaranka Chile ayaa ku guuldareestay in uu u soo gudbo ka qeyb galka koobka aduunka 2018 ee khamiista soo aadan ka furmi doono dalka Russia.

Comments

comments

SHARE