Inter Milan oo kusii dhawaaneysa in ay lasoo saxiixato khadka dhexe kooxda Roma Radja Nainggolan

Kooxda Inter Milan ayaa qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Roma Radja Nainggolan dhamaadka isbuucan.

Wakiilada kooxda Inter Milan ayaa qorsheenaya in ay dar dar galiyaan kulanka ay doonayaan inay la qaataan wakiilka Radja Nainggolan xiliyada soo aadan.

Wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu sheegay in macalinka kooxda Inter Milan Luciano Spalletti uu si aad ah u daneenayo inuu shaqaaleysiiyo Radja Nainggolan. Laakiin Roma ma aysan ka hadlin wali inay diyaar u tahay inay fasaxdo xidigeedan iyo hadii kale.

Inter Milan ayaa u soo bandhigtay xidigan Belgian ee Radja Nainggolan in sanadii ay mushaar ahaan usiin doonto aduun dhan 4.5 million euros waa hadii uu go’aansado inuu yimaado garoonka San Siro.

Si kastaba Inter Milan ayaa xili ciyaareedka soo aadan qeyb ka ah tartanka xiisaha badan ee Champions League kadib mudo dhan LIX xili ciyaareed aysan kasoo qeyb galin.

Comments

comments

SHARE