Eden Hazard oo ka warbixiyay shuruuda kaliya uu kusii joogi karo kooxda Chelsea

Khadka dhexe kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa wuxuu ka warbixiyay qorshahiisa xiliyada soo aadan. Kaasoo ku aadan kooxda reer London ee Blues.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu daboolka ka qaaday wareysi uu Eden Hazard kaga warbixiyaya mustaqbalkiisa kooxda Chelsea.

“Waxaan doonayaa inaan ogaado qorshaha kooxda Chelsea, kahor inta aanan go’aan ka gaarin mustaqbakeyga kooxda reer London”.

Eden Hazard ayaa heysta dalabyo dhowr ah ee kaga imaanaya kooxaha ugu waaweyn ee qaarada yurub Manchester City, Real Madrid iyo Paris St Germain.

Laakiin saraakiisha kooxda Chelsea ayaa waxay haatan kala hadlayaan sida ay kaga saxiixan lahaayeen heshiis cusub xiliyada soo aadan kaasoo uu kusii joogayo garoonka Stamford Bridge.

Balse Eden Hazard ayaa wuxuu doonayaa in arintan dib loogu dhigo ilaa iyo kadib koobka aduunka, kadibna labada dhinac ay wada gaaraan go’aanka kama dambeysta ah.

Comments

comments

SHARE