Deg Deg: Xukuumada Somaliland Oo Imika Ka Qaaday Xayiraadi Tv Ay Dhawaan Hawada Ka Saaran

Deg Deg: Xukuumada Somaliland Oo Imika Ka Qaaday Xayiraadi Tv Ay Dhawaan Hawada Ka Saaran

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xayiraadii ka qaaday Telefishanka SOMNEWS oo laga mamnuucay inuu Somaliland ka dhex shaqeeyo 29kii bishi

Hargeysa(Burcoonline)11.06.2018 – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xayiraadii ka qaaday Telefishanka SOMNEWS oo laga mamnuucay inuu Somaliland ka dhex shaqeeyo 29kii bishii la soo dhaafay ee May, siday faafisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa oo uu soo gaadhsiiyey wakaallada wararka ee SOLNA, waxa uu ku fasaxay Telefishanka SOMNEWS TV, Waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Annaga oo tixraacayna warqaddii hore eeRef: WWDH&/ XW/06-05/2018, ahayd kuna taariikhaysnayd 29.May.2018, ee xayiraadda lagu saaray Telefishanka SOMNEWS TV.

Kaddib markii Wasaaradda Warfaafintu ay ku qanacday doodda Mas’uuliyiintaSOMNEWS TV, waxa ay Wasaaradda Warfaafintu ka qaadday Xayiraaddii saarnayd Telefishankaas.”

Comments

comments

SHARE