Deg Deg: Ciidamada Booliska Somaliland Oo Dhalinyaro Isku Diyaarinaysa Ciida Xasuuq ba,an Ugu Geystay Suuqa Waaheen Ee Magalada Hargeysa

27

Deg Deg: Ciidamada Booliska Somaliland Oo Dhalinyaro Isku Diyaarinaysa Ciida Xasuuq ba,an Ugu Geystay Suuqa Waaheen Ee Magalada Hargeysa

“Ciidanka Boolisku Cabudhin,iyo Cagujuglayn Cadaalad Daro Ah ayay Dadka u Geystaan Caawana Anay igu Dhacday Waana La i Jidhdilay anoon Waxba Geysan”

Abaaro 8:30 Habeenimo ee Caawa aniga Oo Taagan Badhtamaha Suuqa Hargeysa ayaa Mid ka Mida Ciidanka Booliska Anoon Taagnayn Meel Xun Cidna Cadibin Cidhiidhina,Waliba aan Ahayn Ciidanka Nabadgalyda Wadooyinka Oo Boolis Ah,igu Yidhi Gaadhiga Hore u Qaad….Waayahay ayaan idhi Markiiba,Kolkaan is idhi Dhaqaaq ayuu i Dharbaaxay….!

aniga oo aan caytamin Xumaan Kalena Gaysan ayaan su,aalay maxaad ii dhirbaaxday askari sowniga Dhaqaaqay??Su,aal ka dib Waxaa Dhacday in Askarigii Been iga sameeyo walow waxa ku kalifay aanan Garanayn Oo Dhaho anuu i Dhirbaaxay!!!! askarigii iyo Ciidan Badan Oo Kale Jidh Dil iyo Jiid jiid ayay ii Geystaan,Gaadhiga ayaan Ka Dagay Waxaanay Damceen in lay Xidho,Taliyahiina ima Tixgalin ima Dhageysan kaliya waxuu maqlay askarigii Beenta iga abuuray ee Yidhi Wuu i Dhirbaaxay,Suuqa Dhexdiisa ayaa Waxa isagu Kay Tagay 10 Askari waa Lay Jidh Dilay,Qoryo ayaa Layla Dhacay Hadana waxba ma Geysan!

40 Minnet Ka Dib Markaan Ku Xidhnaa Gadiidka Qufulan Ee Booliska Suuqa Dhexdiisa,ayaan la Xidhiidhay Masuuliyin Madaxtooyada ka Tirsan Taliyihiina uu Ogaaday in aan weriye ahay,Markiiba Waa Lay Sii Daayay Taliyihiina wuu i Raali iyo Xaal Siiyay,Awooda warbaahinta ayaa Laygu Sii Daayay Se Hadaan Shacab ahaan Lahaa Kiiskaa aan Jirin ayaa Laygu Qaadi Lahaa,Shacabka waxaa Badan maalin walba inta Lagu sameynayo Falal Noocaas

Askartu Waxay u Shaqeeyaan waa Shacabka Qofka Shacabka ah iyo Askariguna way u siman Yihiin Sharciga mid walbaabana Wuu Leeyahay in la Dhageysto oo la tixgaliyo

Tusan……..

Comments

comments

SHARE