Neymar Jr oo la kulmay wakiila ka socda Real Madrid

Sida ay shaaca ka qaaday saxaafada dalka Spain xidiga kooxd Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka Brazil Neymar Jr ayaa wuxuu dhawaan kulan kula qaatay wakiilo ka socda Real Madrid magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska.

Wargeyska “Marca” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday maanta oo Sabti in Neymar uu weli aaminsan yahay in qaab layaab leh uu ugu dhaqaaqi karo kooxda reer Spain ee Real Madrid

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in arintan ay ku xirnaan doonto macalinka badalka u noqon doono macalinkii hore ee kooxda Zinedine Zidane

Wakiilada Real Madrid iyo kuwa xidiga reer Brail ayaa wali yeelanaya kulamo gaar ah ay kaga arinsanayaan saxiixa laacibka reer Brazil ee Neymar Jr.

Wargeyska “Marca”  ayaa sheegay in Neymar uusan wali badalin fikirka uu ku doonayo inuu ku xirto maaliyada kooxda Real Madrid xili ciyaareedka soo aadan.

Comments

comments

SHARE