Somaliland: Golaha Amaanka Qaramada Midoobey Oo War Culus Ka Soo Saaray Dagaalka Tuko-raq

Golaha amaanka qarmada Midoobey ayaa waxaa ay ka hadleen dagaalka Tuko-raq waxaana dawladaha Somaliland iyo Maamulka gobaleedka Putland ugu baaqay in dagaalka si shuruud la,aan ah loo joojiyo .

War murtiyeedkan uu golaha amaanku soo saaray waxaa uu ku sheegay inay ka walaacsan yahiin dagaalka ,waxaana ay Somaliland iyo Puntland ugu baaqeen inay fuliyaan balan qaadyadii ay la galeen beesha caalamka .

Golaha amaanku waxaa uu yidhi ” golaha amaanku waxaa uu walaac ka qabaa dagaalka dhawaan ka dhacay gobalka Sool , golaha amaanku waxuu ugu baaqay dhinacyada si aan dib u dhac aheyn balan qaadkii ay galeen bulshada caalamka ee aheyd inay sida ugu dhakhsaha badan u joojiyaan , hadalada iyo ficilada xaalada kor u sii qaadi kara .

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dhinacyada inay dib ula baxaan ciidamadooda , ayna galaan wada hadal golaha amaanku waxaa uu sidoo kale walaac ka qabaa in uu dagaalku sii xumeeyo xaalada buni aadan tinimo , waxaana uu ugu baaqay dhinac-yada inay ogalaadan ayna fuliyaan si buuxda oo nabad ah isla markaana dhakhso ah, iyadoo wax caqabad ah aan la hor dhigin in si binu aadan tinimo ah loo gaadho (goobaha ay dagaaladu samayeen )

Golaha amaanku waxaa uu ka digayaa in la carqaladeeyowax ay ugu yeedheen midnimadii burburtey ee Somaliya , sidoo kale golaha amaanka ayaa hoosta ka xariiqay mihiimada ay leedahay in laga shaqeeyo sidii looga hor tagi lahaa in xasaradaha iyo khilaafyada gobalka ay ku yeeshaan Saameyn xasilooni daro ah iyo inay ku fidaan Somaliya

baahida loo qabo in dhamaan daneeyayaasha oo ay ka mid yahiin bulshada caalamku inay si wax dhisaysa ugu shaqeeyaan in teegeero la siiyo nidaamka federaalka ah iyo Hay’adihiisa isla maraana la ixtiraamo nabada iyo dawlad dhiska Somaliya “.

Dhinca kale qoraalka golaha amaanku soo saaray oo uu akhriyey gudoomiyaha haatan oo ah safiirka Ruushka u fadhiya qaramada Midoobey Dmitry A. Polyanskiy , waxaa uu soo dhaweeyey qorshaha la doonayo in amaanka Somaliya laga wareejiyociidamada nabad ilaalinta Africa ee AMISOM

Waxaa uu sidoo kale soo dhaweeyey shirk a dhici doona 25-26 bishan Junne magaalda Brussels ee dalka Belgium , shirkaas oo loogu yeedho madasha iskaashiga Somaliya .

Comments

comments

SHARE