Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Fariimo Culus Ukala Diray Maamulka Puntland Iyo Madaxweyne Farmaajo,Soona Bandhigay 500-Arday Oo Reer Garoowe Ah Oo Jaamacad Camuud Wax Ka Dhigta

82

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa silayaableh uga hadlay Shirkii dhawaan ugu Soo qabsoomay Magaalada Baydhabo Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Dawlada Farmaajo,waxaana uu sheegay in ujeedada Shirkaasi uu ku saabsanaa Somaliland islamarkaana Hub loogu ururinayay Puntland oo dagaal kula jirta Somaliland,waxa kale oo uu fariin u diray Reer Boorama isagoo u sheegay  inaanay Soomaaliya Cadaawad u hayn cid gaar ah balse ay Reer Somaliland oo dhan u hayso,isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Arday 500 kor u dhaafaysa oo reer Garowe ah oo Camuud Wax ka dhigata.

Eng Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan“Shirka Shalay ka dhamaaday Magaalada Baydhabo ee ay iskugu yimaadeen Maamulka Muqdisho iyo Maamul Goboleedada Soomaaliya,anigu in badan ayaa sheegay oo aan idhi Dagaalkani waxaa inagu wada Maamul Muqdisho ee Farmaajo,taasina way soo cadaadatay shalya oo waad aragteen qodobadii ka soo baxay Shirkaasi waxaa ka mid ahaa in Hub la siiyo reerkan Garoowe iyo Boosaaso Degan oo ay kula dagaalamaaan wax ay ugu yeedheen Argagixisada,Hubkaasi waxa loo siinayaa waxa weeyi in inaga la inagula dagaalamo,argagixiso halkaasi ka jirtaa ma jirto,Markii horena Dadka masaakiinta ah ee Digil iyo Midhiflaha ah ee Boosaaso u soo shaqo doontay ee Bacadlayaasha ku haysta ayaa intay kolba qabtaan yidhaahdaan Alshabaab ayaanu qabanay oo waanu laynaynaa”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Horena waa kuwii Maamulka Galmudug Ciidamada Maraykan ku soo hogaamiyay ee dhawr iyo tobankii Askari ee dhalinyarta ahaa ee loogu soo tababaray Balaydoogleh si ay ula dagaalamaan dhalinyarta Alshabaab ee ay Argagixiso ku sheegeen ee ay ku laayeen,Waxa ay caadaysteen Beeshaasi inay ka macaashaan beentooda,Budhcad-Badeedka iyaga ayaa sameeyay oo magaalada la yidhaa Garowe Waxay ka samaysan tahay Lacagtii Budhcad Badeedka,Waxaad ka garanaysaan Shanta Dawlad Goboleed waxa Gudoomiye u ah Cabdi-Weli,Madaxweynaha Maamulka Muqdishana waa ayo,? Waa Farmaajo,Waxaan u sheegaynaa Madaxweynaha Galmudug Xaaf,Hubkaasi aad shalayto saxeexday adiga uunbaa lagula dagaalamayaa, Anagu waanu iska celin karnaa”.

Isagoo ka hadlaya lacagta halka milyan ee Dollar ah ee ay Somaliya ugu soo deeqday dadka Duufaanta ku dhufatay ee Reer Somaliland iyo Ardayda reer Garowe ee Jaamacada Camuud wax ka dhigata ayaa waxa uu yidhi “Lacagta Halka Milyan ee Dollar,Horta lacagtaasi maaha lacag uu inasiiyay Farmajo eh waa lacagta Magaca Soomaaliya lagu qaato,laakiin waxay ina tusaysaa Cadaawada reerkaasi dadka u qabaan milyankii waxay ka samaynayeen, waxa intaasi ka daran Ardayda Wax ka dhigata ee Jaamacada Camuud kujirtaa waxa ka badan tahay 200-Arday illaa 500 oo Arday oo ka soo jeeda Deegaanka Garowe, Reeraha Degan Boorama ee Deegaankaasi Garowe ka soo jeedaa way ka badan yihiin Dadka reer Boorame ka degan Magaalada Hargeysa,waanad arkayseen,Markaas taasi waxaan tusayaa Qoladan Reer Awdal, Cadaawadu inaanay ku koobnayn cid qudha eh ay inagu wada kooban tahay Reer Somaliland oo dhan”.

Isagoo ka hadlaya Dagaalka Tukoraq iyo Qaylo dhaanta Beelaysan ee Maamulka Garoowe ayaa waxa uu yidhi“Cabdi-Weli Gaas tolaayeey yaa reer Hebelaay ayuu yidhi,illaa Wardheer illaa Kismaayo ayaa laga soo gurmaday,waa dagaal qabiil,Qabiilna Dawladuhu miyay la hadli karayaan,isaga waan ognahay oo gacanta waxba uguma jiraan,markaa dagaal qabiil ayuu kiciyay,Waan ognahay oo Waxa wax lawada Maamulka Farmaajo,saw Garoowe iyo Boosaaso may odhan waxaanu hoos nimaadaan Dawlada Farmaajo, dee ha xakameeyo,waxaanu soo celin doonaa Wada Hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya,Meshan Puntland Nidaam ayaan jirin,Bal eeg,Gabadh la leeyahay waxa laga soo ergistay Taangiga Somaliland Qabsatay,Reerihii ayaa hubkii wali iska haysta”.

 

Comments

comments