Rashford: Cristiano Ronaldo Aadban U Taageerah Balse Messi Waa Mucjisada Kubada Cagta Waanu Ka Fiican Yahay Ronaldo

Weeraryahanka kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England Marcus Rashford ayaa sheegay inuu taageere u ahaa xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Marcus Rashford ayaa wareysi uu bixiyay waxaa soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain “Waa inaan sheegaa in waxyaabaha qaar uu sameenayo Messi ay tahay wax aan la rumeysan Karin,

“Waxaan ka mid ahay taageerayaasha sida aadka ah u jecel Cristiano Ronaldo, laakiin waxaan u maleynayaa in xidiga reer Argentina uu yahay kan ugu fiican adduunka”.

Dhinaca kale Marcus Rashford ayaa wuxuu amaanay saaxiibkiis hore kooxda Manchester United haatana ka tirsan kooxda Everton Wayne Rooney.

“Waa halyay, waa ciyaaryahanka ugu fiican ee aan abid kasoo garab ciyaaray”.

Comments

comments

SHARE