Ma Dhabaa Inu Cristiano Ronaldo U Socdo Kooxda Juventus

29

Waxaa sii kordhaya wararka shakiga galinaya mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Real Madrid xili ciyaareedka soo aadan.

Wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu sheegay in Ronaldo uu gaaray go’aan aan ka laabasho lahayn uu ku soo gabagabeynayo mustaqbalkiisa Real Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu u xaqiijiyo jamaahiirta kooxda Real Madrid sida uu noqon doono mustaqbalkiisa xili ciyaareedka soo aadan.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in halka uu kusii jeedo kabtanka xulka qaranka Portugal ay tahay France, England ama xitaa Italy.

Corriere dello Sport ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo ay suuragal tahay inuu ku biiro kooxaha reer Talyaani ee horyaalka Serie A Juventus, Milan, Inter iyo Roma.

Ma jiraan kooxo badan ee caalamka ku sugan ee awoodi kara inay bixiyaan qarashaadka Ronaldo, iyadoo qiimaha lagu kansali karo heshiiskiisa uu gaarayo aduun dhan  € 1 bilyan, mushaarkiisa sanadlaha ayaa sidoo kale ugu yaraan gaaraya € 40 milyan.

Comments

comments

SHARE