Colaada Ceel-Afweyn Iyo Kala Fogaashaha Umada W/Q Suxufi Cali Mahdi

Colaaddo badan, nacayb umadeed, kala fogaansho Bulsho Deristay iyo madmadow badan oo nabadeed ayaa Qaybo ka mid ah Gobolkii aan ka soo jeeday ee Sanaag la soo deristay Sadexdii Sanno ee u danbaysay.

Mudadaa Dalka waxaa isaga kala danbeeyay Laba Xukuumadood oo isku Hal Xisbi ka wada timi isku si wax u arkaysay lahaydna Hal siyaasadeed oo keliya.

Ilaa maalintii Colaadaasi Abuurantay Nabada deegaano ka mid ah Ceel-afweyn oo ah degmada ugu Balaadhan Gobolkana dhaawacu gaadhay waxa aan u ahaa xog-ogaal wax badan kala socday, hase yeeshee hal maalin kama hadal, sidoo kalena waxaan arkayay in amaanku uu faraha ka sii baxayo maalinba maalinta ka danbaysa ilaa maanta oo uu ku sii fidayo magaalooyin kale oo Gobolka ka mida colaadu intaaba waa ay sii sal balaadhanaysay hadii ay heli-lahayd dadkeediina waa la daba qaban lahaa waxaan aaminsanahay arintaas Gobolka In aanay jirin Cid daacad ka ah hadii ay tahay labada dhinac dadka la haybta ah iyo hadii ay tahay cidii kale ee dhexdhexaadinaysayba.

Maanta anigu kama hadlayo Danaha siyaasiyiinta ee deegaankan ay ka lahaayeen dagaaladan cida dabada ka riixaysay iyo aragtiyihii Xisbiyada oo mid walba dantiisa ka fushanayay kama hadlayo taas kamana hadlayo dagaaladan ma la siyaasadeeyay mise lama siyaasadeen, dowladuhu ma ku fashilmeen mise kuma fashilmin intaas oo dhan kama hadlayo balse waxaan ka hadlayaa dhibaatada bulshadan gaadhay iyo saamaynta mustaqbal ee ay ku yeelan doonto hadii aanay is daba qaban.

December 2014-kii ayaa markii ugu horaysay kala fogaanshaha bulshadan lamaanayd soo if-baxday, odayaal reer ceel-afweyn ah ayaa warbaahinta ka hadlay sheegayna in nabada amnigu faraha ka baxayso waxayna ka bilaabantay dhalinyaro midniyo isku qaaadatay kedib la xidh xidhay odayaashaasi waxay eedeeyeen badhasaabkii Gobolka ee waqtigaas Ramaax oo ay sheegeen in uu sii daayay dhalinyaro labada dhinac ah oo odayaasha labada aag soo qabteen si aanay nabada u dhaawicin bulshadana isugu dirin cabashada odayaaashaas waxba cidi kama qaban, dagaalka siduu ku bilowday marxaladuhuu soo maray waxaad ku daawan kartaan warbixin dheer oon dhawaan ka diyaariyay waxaadna ka heli kartaan Youtube ka BULSHO-TV waa bar bilow ilaa bar dhamaad dagaalkan iyo heerarkuu maray iyo maalmuhuu wax ka qabashada lahaa intaa youtube ka ayaad ka helaysaan warbixinyaas oo muuqaala, in badan oo idinka mid ahina laga yaabee in ay ka dheregsanyihiin.

Si kastaba ha ahaatee anigu waxaan ka hadlayaa saamaynta uu bulshadeena gobolka iyo guud ahaanba barri colaadani ku yeelan karto gaar ahaan dhinaca siyaasada.

Bulshada labadan beelood hadaanan kuba koobin labada ardaaa ee is dilaya balse beelohooda sareba soo qaato ee ee barriga iyo galbeedka burco run ahaantii marka dalkeena loo eego labadan beelood deegaamadoodu aaad ayay uga danbeeyaan Gobolada kale iyo xataa deegamaada kale ee miiyada iyo tuulooyinka ah ee dalka waa deegaamo ka aradan baahiyihii bulshada sida caafimaadka waxbarashada iyo biyaha, waa bulsho mar walba ay siyaasiyiintu kala qaybinayeen, weligood hal mar ayay is raaceen 1991 markii ay si wada jir ah u doorteen IHN Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali Cabdiraxmaan Tuur, berigaana iskumay waaarine 2 sanno kedib-ba waa ay iska hor yimaadeen Xukuumadii tuurna waa ay rideen ceebtii ka dhacdayna waa loo Joogay.

Inahaas wixii ka danbeeyay labadan walaalaha ahi aad ayay u kala aragti duwanaayeen iyagoo midba midka kale ku xumaynaya oo u muuqda kuwo aan waxba isku ogolayn, waxaana ka faaiidaystay siyaasiyiinta Galbeedka Somaliland oo kala ugaadhsaday waxayna gacanta u galeen oo ay la kala shuraakoobeen siyaasiyiin reer galbeed ah ma xuma oo is gaashaanbuuraysigu dunida waa ka jiraa sidaas darteedna beesha barigu waxa ay KULMIYE kula midowday Beesha Galbeedka Hargaisa, beesha Galbeedka Burcona waxa ay UDUB kula mataanowday Beesha Awdal,
Wax ceebana ma aha ee waa xadaarad siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed lkn waxaa ku hoos duugnaa nacayb ay isku qabaan iyo xifaaltan qabyaaladaysan sidaa darteedna waxa ay galeen loolamo adag oo ay iskaga hor yimaadeen marba marka ka danbaysana waa ay sii kala fogaanayeen.

Intii xasaradaasi oognayd waxa ku dayacantay danihii deegaanka horumarkii dhulkooda iyo aayohoodii mustaqbal waxayna la mid noqdeen falastiinta iyagoo 80ka milyan ah aanay dunidu wax u ogalayn iyaga la isku diro loona gumeeyo Israel oo 6 malyan lagu qiyaaso,

Waxa ay noqdeen umad duqaytidoodu ku ababiso ubadkooda nacayb iyo xifaaltan soo jireen ah, barbaartoodii wax bedeli lahaydna waxa ay noqdeen kuwo ku barbaaray cunfi iyo caadifad digada u kala rogtay walaalihii ilaahay deriska ka dhigay, hadda ku darsoo waa dad saaxiib ah waa dad is jecel mararka qaar waa dad isku hiiliya maalmaha adag hadana waa kuwo maskaxda laga gumaysto oo ku kala taga danohooda geyaysiiyana dib u dhac deegaan dib u socod bulsho iyo kala daadsanaan.

Maanta Somaliland waxaa ka arimiya laba madaxweyne oo ku yimi cod bulsho iyo dimuqraadiyad kana soo jeeda gebilay iyo awdal oo isku jira wax ka yar 50 km oo gobol ahaana oodoodu isi saarantahay,
Saamiyada guud ee dalkana waxaan qabaa in laga badsado waxaana qabaa in ay qabaan baahiyo nololeed mid siyaasadeed iyo mid bulshoba.

• Hadaba Colaadani maaxaa ay keeni kartaa

Colaadani waxa ay keeni kartaa in ay sii kala fogaadaan Bulshadoodu deegaanadooduna ku sii negaadaan dib u dhacaas kana arad-dannaadaan oo ay dad kale ka faaiidaystaan kala qaybsanaantooda iyo kala daadsanaantooda, waxa ay keeni kartaa in ay sidaa u qatanaadaan oo u kala qaybsanaadaan waxa ay keeni kartaa in goboladooda barigu dalka intiisa kale ka hadhaan horayba uga hadheene waxayna geyaysiin doontaa in ay ku sii jiraan wax aan anigu u aqaano Gumaysi Sokeeye,

• Hadaba Maxaa Maanta la gudboon.

Waxaa la gudboon in ay caqliyad saliima ku eegaan ceebohooda in ay tashadaan ama ay kala tashadaan in ay qiimeeyaan xaaladooda iyo mustawaha ay dalka iyo dunidaba ka joogaan, kedib ay keenaan arin iyo afkaar dadkooda ka saarta dib u dhaca bulshadooda ka badbaadisa baylahda iyo go’aamo u dan ah deegaanadooda.

Waxaan qabaa in labadan bulsho aanay ka heshiin colaadihii sokeeye e waxaa ila haboon in ay galaan dib u heshiisiin aan cidi ku sadexayn oo ay jilbaha dhulka isku dhigaan garnaqsadaan garawshiiyana isa siiyaan kedibna ay ka tashadaan aayohooda iyo masiirkooda umadeed.

Dhalinyarada maanta baraha bulshada qabyaalada la kala safatayna waxaa la gudboon in aanay ka shaqayn kala qaybinta dadkooda tuulooyinka ahe waxaa ila quman in ay abuuraan isku soo dhawaan bulsho iyo is bahaysiyo aan reero kalena wax lagu yeeline deegaamadooda uga arinsadaan.

• Siyaasiyiinta waxaa la gudboon mid seegtay in ay saxaan

Siyaasiyiinta Barriga iyo Galbeedka Burco waxaa la gudboon in ay saxaan khaladaad siyaasadeed oo ay dadkooda ka galeen waxaa la gudboon gaashaanbuuraysiga ay gabilay iyo boorame ka baadi goobayaan in ay ka burco ka bilaabaan midnimada ay la raadinayaan dad aan geelooda iyo lo’dooduba meel wada daaqin wax uga khayr roon in ay burco ku mideeyaan.

Hadii ay taasi dhici waydo war walaahi in aydan meel gaadhaynin oo bilaahi inaydan guulaysanayn oo tolaahi in aydin waxba taransaynine gumaysi sokeeye ayaad ku jiri doontaan taas waxaan leeyahay dhalinyarada.

Siyaasiyiintana waxaan leeyahay, Raganimada iyo kartida aad burco ceerigaabo iyo ceel-afweyn ku kala qaybinaysaan ee aad ilaahay ku cadho gelinaysaan maad ajar iyo xasanaad ku shaqaysataan oo dadkiina ku midaysataan oo wax ku tartaan if iyo aakhiroba idiin wanaagsan intaa siyaasiyiinta ayaan leeyahay.

Midna Madaxdhaqameedka ayaan leeyahay ama Goof ka hadla ama Gar’adag ka hanjaba oo inta aad colaad ka talinaysaan ifakana caarcaar iyo ciil baad ku jiraysaan aakhirona cadaab baad ku galaysaan dhiig islaameed.

War tashada oo dadkiina u taliya odayaaloow, war siyaasiyiineey tilmaama oo toosiya umadiina,
War dhalinyarooy tabcada oo asaagiin la tartama

ALAAHU MA BALAQTU

Comments

comments