Qisada: Soomaali Afduub Lagu Eedeeyey Oo Kanada La Geeyey, Kaddib Markii Lagu Khiyaameeyey Heshiis Been Ah

32

Cali Cumar Adeer waa wiil Soomaali ah oo duruufo dhaqaale oo adag ku soo koray. Mar keliya ayaa ay gashay raynrayn nolol bashbash iyo barwaaqo, oo ah tii uu abidkii ku riyoonayey.

Waxa ay rajadu gashay markii shirkad reer Kanada ah oo buuggaagta daabacdaa ay ka ogolaatay in uu la galo heshiiska faafinta buug uu doonayey in uu qoro. Waxa uu filayey in uu buuggaas ka heli doono malaayiin lacag ah, oo uu dhiisha faqriga tuuro. Waxaa maskaxdiisa ka dhex guuxayey qorsheyaal waaweyn oo uu la damacsanaa maamulidda lacagta uu filayo.

Waxa kale oo uu rajo ka qabay in heshiiskani sabab u noqdo in uu magangelyo ka helo dalka Kanada, si uu uga dheeraado dalkiisa colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya. Qoyskiisana uu ka daadgureeyo faqriga ay la noolaayeen.

Waxaas oo dhami waxa ay noqdeen dhalanteed, dharaaro kooban niyadda u dejiyey Cali, laakiin soo afgo’ay markii uu caga dhigay Kanada. Waa markii ay u caddaatay in heshiiskii buugga ee loo soo kaxeeyey saxeexiisa iyo noloshii cusbayd ee uu ku riyoonayeyba ay ahaayeen been, qayb ka ahayd qorshe ballaadhan oo uu ka soo shaqeeyey booliiska Federaalka Kanada, si Cali loo geeyo magaalada Ottawa ee dalka Kanada oo ay u taallay dacwadda dembi loo haysto in uu ku galay Soomaaliya. Waa afduubkii haweenayda warfidiyeenka madaxabannaan ah ee Amanda Lindhout oo u dhalatay dalka Kanada.

Sannadkii 2015, ayaa Cali Cumar Adeer lagu xidhay magaalada Ottawa ee dalka Kanada. Waxa uu ahaa xadhig soo afmeeray shan sano oo booliiska dharcadda ah ee dalka Kanada ay ku jireen hawlgal loo qoondeeyey in eedaysanaha koowaad ee dacwadda afduubka Amanda Lindhout, oo ahaa Cali Cumar Adeer si khiyaamo ah lagu keeno dalka Kanada, si loo ciqaab mariyo. Markiiba waxaa Cali Cumar maxkamadda looga furay dacwad ah kaalintii uu ku lahaa afduubka haweenaydan warfidiyeenka ah.

Qisadani waxa ay bilaabatay bishii kow iyo tobnaad ee 2009 kii; markii koox afduubayaal Soomaali ahi ay soo daayeen Amanda Lindhout oo ah warfidiyeen u dhalatay dalka Kanada iyo Nigel Brennan oo ahaa sawirqaade la socday oo u dhashay dalka Ustareeliya, oo ay qoysaskoodu madaxfurasho u bixiyeen lacag dhan 600 oo kun oo doolarka Maryakanka ah.

Amanda Lindhout oo markan la afduubay u shaqaynaysay taleefishanka Press TV ee laga leeyahay dalka Iiraan, iyo ninka ay jaalka ahaayeen ayaa bishii Siddeedaad ee 2008 laga afduubay duleedka magaalada Muqdisho oo ay shaqo u tagtay. Koox budhcad ah ayaa afduubay labadan warfidiyeen, oo muddo ka yar Shan dharaarood joogay Muqdisho, waxa aanay haysteen 460 maalmood.

Amanda Lindhout waxa ay sannadkii 2013 kii qortay buug ay kaga warramayso waayihii xanuunka badnaa ee ay soo martay muddadaas sannadka ka badan ee afduubka loo haystay. Buuggan ‘A House in The Sky’ oo ka mid noqday kuwii loogu iibka badnaa, ayaa ay ku sheegtay in ay soo martay 460 dharaarood oo aan mar keliya laga joojin garaacis, macalluulin (Gaajaysiin) iyo kufsi wadareed.

Laba bilood kaddib markii afduubka labada warfidiyeen dhammaaday, oo Amanda Lindhout ay dib ugu noqotay dalkeeda Kanada, ayaa bishii koowaad ee 2010 kii, Lorinda Stewart oo ah Amanda Lindhout hooyadeed waxa ay heshay farriin cod ah oo uu taleefanka ugu duubay, nin isku sheegay in uu yahay wakiilka wada xaajoodka ee u dhexeeyey kooxdii afduubka iyo qoyska labada lahayste. Ninkan Soomaaliya ka soo hadlayey waxa uu farriintiisa ku sheegay in uu doonayo in uu la hadlo inanteeda Amanda Lindhout.

Ninkan iyo Lorinda Stewart waxa ay aad u wada hadleen muddadii Amanda Lindhout ay ku jirtay gacanta afduubayaasha ee uu socday wada xaajoodkii bixinta madaxfurashada iyo soo deynteedu. Sidaa awgeed si fiican ayaa ay taleefanka isaga garanayaan.

Waxaa suurtagal ah in uu filayey in Lorinda marka ay hesho farriintan codka ah ay dib ugu soo celiso taleefanka ama ay u soo sheegto halka uu ka heli karo inanteeda uu sheegayo in uu soo deynteedii ka qaybqaatay. Waxaa laga yaabaa in markii wada xaajoodka hore socday, ay hooyadan inanteedu maqnayd ninkan tustay soo dhoweyn iyo beerlaxawsi badan oo uu ku dagmay, laakiin sidii uu filayey ma’ay noqon markan. Farriintii taleefanka ee uu diray waxaa laga soo jawaabay lix bilood kaddib, cidda soo jawaabtayna ma’ay ahayn Lorinda Stewart iyo inanteeda Amanda Lindhout midna, balse waxa uu ahaa nin sheeganaya in uu ka wakiil yahay qoyska Amanda Lindhout.

25kii bishii Lixaad 2010: Ayaa ay ahayd markii uu ninka Aadam sheegtay taleefanka ka helay ninkan wakiilka sheegtay oo sida markii dambe la caddeeyey ahaa, sarkaal dharcad ah oo ka tirsan qaybta dembi baadhista ee booliiska Kanada. Waxa uu magaciisa ku sheegay AK, si qabow oo deggen ayaanu taleefanka ugala hadlay Aadam, si uu u ogaado waxa uu doonayo.

Taleefankaas uu sarkaalka isku sheegay AK u soo diray Aadam, waxa uu bilow u noqday xidhiidh socday muddo Shan sano ah oo uu AK saaxiibtinimo run ah ku abuuray Aadam, oo inta uu kalsooni buuxda u qaaday, bilaabay in iyada oo aan lagaba dalban uu faahfaahin ka bixiyo afduubka Amanda Lindhout.

Aadam waxa uu saaxiibkiisa cusub u sheegay in sababta uu gabadhan u doonayey ay ahayd in uu hayo waraaqo ay Lindhout qortay intii afduubka loo haystay, oo ay ku illowday goobihii lagu hayey. Waxa aanu sheegay in uu doonayo in uu waraaqahaas kaga iibiyo 15 kun oo doolarka Maraykanka.

Waxa kale oo uu sarkaalkii booliiska Kanada ka tirsanaa u sheegay in uu doonayo in uu buug ka qoro taariikhda dhibaatada Soomaaliya ka jirta, isaga oo ka codsaday in uu arrintaas ka caawiyo, gaar ahaan dhinaca daabicista iyo iibgeynta buugga oo afka Ingiriisiga uu ku qori doono.

29kii bishii lixaad 2010 kii: Sarkaalkii booliiska ahaa waxa uu taleefan u soo diray Aadam, waxa aanu u sheegay in Amanda laga yaabo in ay iibsato waraaqahaas, laakiin ay u baahan tahay waxoogaa waqti ah oo ay ka fikirto arrintaas una lacag urursato. Adam waa uu aqbalay in uu sugo, waxa aanu ku deeqay in nuskhado ka mid ah waraaqahaas uu ku soo diro internet ka, si ay u xasuusato qiimahooda.

2dii Bishii sagaalaad 2010 kii: ayaa uu sarkaalkii booliiska ahaa farriin Email ah u soo diray Adam. Waa uu weydiinayey xogo dheeraad ah oo la xidhiidha waraaqaha Amanda ee uu hayey; waxa kale oo uu u muujiyey in uu xiise u hayo fikirkii buug qorista ee uu hore Aadam uga hadlay. Farriin jawaab ah oo uu Aadam u diray ninka booliiska ahaa ayaa uu ku sheegay in buugga uu doonayo in uu qoraa uu ka hadlayo taariikhda socota ee Soomaalida, gaar ahaan dhibta iyo dhiigga daadanaya ‘Gumaadka tartiibta ah’, ayaa uu buugga magaciisa oo Ingiriisi ahaa ku sheegay, waxa aanu ku andacooday in uu buuggaasi noqon doono mid dunida laga xiiseeyo oo isagana u horseeda maalqabeennimo. Isla bishaas Sagaalaad labadeedii, ayaa uu sarkaalka booliiska ahaa Aadam u soo diray farriin kale oo Email ah, waxa aanu ku wargeliyey in qoyska Lindhout aanu haysan lacag sidaas u badan, sidaa awgeed aanay imika awoodi karin in ay iska bixiyaan lacagta 15 ka kun ee doolar ah ee uu sheegay in uu waraaqaha ku doonayo. Waxa se uu u sheegay in uu kala sii shaqayn doono arrintii buug qorista la xidhiidhay. Sarkaalku waxa uu ka soo dalbaday, in uu u soo diro nuxurka guud ee waxa uu buuggiisa kaga hadlayo, si u suuq ugu raadiyo. Waxa kale oo uu kula taliyey in buugga uu shuraako kula noqdo nin ay saaxiib yihiin oo ka shaqaysta daabicista buugaagta.

6dii Bishii Kow iyo tobnaad oo wada xaajoodka Aadam iyo sarkaalka dharcadka ahi socday toddobaaddo, ayaa Aadam uu 16 bog oo ka mid ah waraaqihii Lindhout, u diray sarkaalka si uu isaga siiyo maadaama oo ay iibsan weyday. Waxa aanu markan xoogga saaray in wada xaajoodka uu ninkan reer Kanada ka rabaa uu ku ekaado buugga iyo sidii uu uga gacanqaban lahaa.

Bishii Laba iyo tobnaad ee 2010: Sarkaalkii booliiska ahaa waxa uu Aadam u soo sheegay in uu nuxurkii buugga tusay saaxiibkiisii daabicista buugaagta ka shaqaynayey, oo uu aad u xiisaynayo in buuggaas Aadam uu daabaco. Markaas ayaa ay Aadam ku abuurantay kalsooni dheeraad ah oo uu u qabo ninkan ay xidhiidhayaan, waxa aanu u sheegay magaciisa dhabta ah oo ah Cali Cumar Adeer.

Bilihii xigay oo dhan, Cali waxa uu ka shaqaynayey sidii uu u dhammaystiri lahaa buuggiisa, isaga oo si joogto ah saaxiibkii AK ugu diray nuskhado ka mid ah buugga, tusmada buugga, shaxda guud ee qaabka uu buuggu noqonayo iyo marba cutubyada buugga ka mid noqonaya ee uu dhammeeyo. Waxa kale oo uu u diray nuskhad ka mid ah shahaadadiisa heerka koowaad ee jaamacadda, oo muujinaysa in uu uu ka qaatay jaamacad Soomaaliya ku taalla oo lagu magacaabo, ‘Jaamacadda Afrika’ (African University).

Sida muuqata markan Aadam oo imika magaciisu noqday Cali Cumar Adeer, waxa uu aaminay in qorshihii buuggiisu guulaystay, waxa aanu rajo ka qabayba in uu xidhiidhka ninkan ay saaxiibka noqdeen uga faa’iidaysto sidii uu Kanada ku tegi lahaa. Waxa uu u sheegay in uu xiisaynayo in uu sii wato waxbarashadiisa oo uu diyaariyo shahaadada labaad ee heerka jaamacadda. Isaga oo sheegay in uu xiisaynayo barashada xidhiidhka caalamiga ah (Master’s program in International relations).

20kii Bishii Laba iyo tobnaad ee 2010, ayaa uu sarkaalkii booliiska ahaa Cali Cumar Adeer u soo diray farriin uu ugu sheegayo in uu dalka Kanada uga raadin doono waxbarasho jaamacadeed oo taas uu xiisaynayo ah. 21kii Bishana waxa uu Cali u soo diray diiwaanka shan fursadood oo ahaa shahaadada labaad ee xidhiidhka Caalamiga ah, kuwaas oo ka bannaanaa jaamacadaha kala duwan ee dalka Kanada.

9kii Bishii Shanaad 2011: Ayaa uu sarkaalka booliiska mar kale farriin email ah u diray Cali Cumar Adeer. Waa uu markan uga jawaabayey su’aal uu soo weydiiyey oo la xidhiidhay sida uu dalka Kanada uga heli karo magangelyo. Sarkaalku waxa uu farriintiisa jawaabta ah ku sheegay in aanu xog badan ka haynin hannaanka loo maro qaxoontinimada ee dalka Kanada. Waxa uu u tilmaamay Qaramada Midoobey, in uu ka codsado in ay u aqoonsato qaxoonti, maadaama oo qaxoontiyo kala duwan ay keento dalka Kanada. Laakiin warka fiican ee uu u sheegay waxa uu ahaa in uu jawaab togan ka helay shirkaddii buugga daabici lahayd.

9kii Bishii Siddeedaad 2011: Adeer waxa uu sarkaalka booliiska ahaa u soo diray Email uu ka helay Qaramada Midoobey ee uu ka codsaday qaxoontinimada. Farriintaas oo loogu sheegayey in aanu sharci ahaan buuxinayn shuruudaha ay qofka ugu aqoonsadaan qaxoontinimo, sababta koowaadna ay tahay in aanu dalkiisii ka qixin ee uu weli gudihiisa joogo, sidaa awgeed aan qaxoonti lagu sheegi karin.

Bishii Saddexaad 21 keedii 2012: Sarkaalkii booliiska ahaa waxa uu Cali u soo jeediyey fikir ah in heshiis ay kala saxeexdaan labadoodu; heshiiskaas oo ah wakaalasho uu Cali u ogolaanayo AK in uu wakiil uga noqdo buuggiisa, sii uu awood sharci ugu yeesho dhammaystirka heshiiska daabacadda buugga ee shirkadda la’ la gelayo.

La soco…

Comments

comments

SHARE