Juventus oo qorsheeneysa in Robert Lewandowski ay ka dhigato badalka Gonzalo Higuaín

Wargeyska “Corriere dello Sport” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday maanta oo khamiis ah in kooxda Juventus ay xiiseeneyso lasoo saxiixashada weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Maamulka kooxda Juventus ayaa waxay doonayaan in dhaliyaha reer Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ay ka dhigtaan badalka Gonzalo Higuaín.

Gonzalo Higuaín ayaa muujiyay sida uu u daneenayo ka ciyaarista horyaalka Premier League ee dalka England waxaana lala xiriirinayaa kooxda reer London ee Chelsea.

Sikastaba kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay loolanka adag ee loogu jiro saaxiixa Robert Lewandowski oo ay kooxo dhowr ah saxiixiisa xiiseenayaan waxaana ka mid ah Real Madrid iyo Chelsea.

Comments

comments

SHARE