Deg Deg: Tahriibayaal U Badan Reer Somaliland Iyo Somalia Oo Ku Naf Waaeyey Xeebaha Yeman

35
epa04186845 An image made available on 30 April 2014 shows migrants being rescued during operation 'Mare Nostrum' in the southern Mediterranean sea off the Italian coast, 29 April 2014. The Mare Nostrum ('Our Sea') mission started in October following two fatal shipwrecks - one near Lampedusa, Italy's southernmost point, and the other in Maltese waters - in which more than 400 people died. The Mediterranean boat patrols credited for saving tens of thousands of migrants' lives may have to be stopped, an Italian government official suggested, because they were encouraging more people to embark on dangerous sea crossings. EPA/GIUSEPPE LAMI

Inta la xaqiijinayo 46 qof oo tahriibayaal ah oo Soomaaliya ka dhoofay kuna socday dalka Yemen ayaa doon ay saarnaayeen waxay kula dagtay xeebaha Yemen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale la baadigoobayaa 16 qof oo kale kadib markii doontoodii ay gadoontay, sidaasina waxaa sheegtay Hay’adda Socdaalka Dunida.

Dad mashaqadan ka badbaaday ayaa sheegay in doontu ay saarnaayeen 100 qof oo ay ka soo qaaday dekada magaaladda Boosaaso, dadkan ayaa la sheegayaa inay shaqooyin u doonanayeen dalka Yemen iyo wadamada kale ee Khaliijka, Tahriibayaashani ayaa la sheegayaa inay dhamaantood ahaayeen dad Itoobiyaan.

Hay’ada IOM ee Socdaalka Aduunka ayaa ku waramaysa in doontan ay degtay maalinkii Arbacada, dadka ku dhamaadayna waxaa ka mid ah dumar gaarayay sagaal qof, raguna waxay ahaayeen 37 iyo caruur.

Dad ka mid ah kuwa doonta saarnaa ayaan wadan jaakadaha badda looga badbaado, sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah dadka badbaaday

Dad ka badan 7,000 oo qof oo tahriibayaal ah ayaa safarkan qatarta ah gala bila walba, sanadkii la soo dhaafay oo kaliya 100,000 ayaa safray, waxaa sidaasi sheegay Maxamed Abdikadir oo IOM ka tirsan.

Tahriibayaal iyo qaxooti Geeska Afrika ka yimid ayaa Yemen u socdaalayay sanadihii la soo dhaafay, sababtoo ah Yemen waxay albaab laga galo oo sahlan u tahay wadamada kale ee Khaliijka iyo Yuruba.

Comments

comments

SHARE