Deg Deg: Muxu Daarna Kulankii Ganacsatada iyo Waxgaradka Beelaha Burco Iyo Madaxweyne Biixi

Deg Deg: Muxu Daarna Kulankii Ganacsatada iyo Waxgaradka Beelaha Burco Iyo Madaxweyne Biixi

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalayto kulan gaara oo albaabadu u xidhan yihiin la qaatay qaar ka mid ah Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada Beesha Galbeedka Burco,

Kullankan ayaa daaranaa sidii loo dambin lahaa shaqaaqada deegaanka Ceel-afwayn intii shirkan socoday ayaa waxaa lagu lafo guray waxyaabaha ay beesha galbeedku tabayso iyo sabab loo fulan waayay go,aamadii hore ee la gaadhay sidda Wargane News loo xaqiijiyay xubnaha madaxwaynaha la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa Aadan Baradho, Khadar Ambassoder, Maxamed Baarjeex, iyo xubno kale oo bulshada magac wayn ku leh,

Madaxwayne Biixi ayaa ka dalbaday ganacsatadan iyo waxgaradkan uu la kulmay in wax lagala qabto howsha Ceel-afwayn.

Ma ah markii ugu horaysay ee uu Madaxwayne Biixi shaqaadada Ceel-afwayn Cid uu kala tashaddo ama ka dalbado in wax laga qabto inkasta oo aanu wali gaadhin go,aan cad oo Xukumaddeed.

Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid gaara waxaana aan loo ogolaan saxaafadda.

Comments

comments

SHARE