Maleeshiyaad Beeleedkii Ugu Badnaa Oo Qabaa’ilka Puntland Laga Soo Ururiyey, Saanadda Milatari Ee Ay Wataan, Goobta Ay Shalay Kasoo Dhaqaqeen Iyo Halka Ay Soo Gaadheen

30

Maleeshiyaad Beeleedkii Ugu Badnaa Oo Qabaa’ilka Puntland Laga Soo Ururiyey, Saanadda Milatari Ee Ay Wataan, Goobta Ay Shalay Kasoo Dhaqaqeen Iyo Halka Ay Soo Gaadheen Qaar ka mid ah Beelaha Dega Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo muddo laba wiig ah deegaanka Carmo iyo jiidaha u dhaw ku ururinayay Maleeshiyaad iyo hub tiro badan ayaa waxa ay shalay ku soo biireen C Maleeshiyaadka Maamulka Puntland ee ku sugan Jiidda Tukaraq ee Gobolka Sool halkaasi oo ay doonayaan in ay maalmaha soo socda duullaan kale kaga soo qaadan Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Ku dhawaad 9 Baabuur oo nooca Waaraadka loo yaqaano ah oo sida Maleeshiyaad aad u hubaysan oo sahaydoodiina wata, sidoo kalena ay weheliyaan 13 gaadhi oo Tikniko ah oo isugu jira Madaafiic culus iyo gawaadhida Cabdi Bilaha loo yaqaano oo qoryo saaran yihiin ayaa waxa ay shalay ka soo dhaqaaqeen Tuulada Carmo oo ka mid ah deegaamada Puntland iyaga oo u soo dhaqaaqay dhinaca Jiidda ay Maleeeshiyaadka Puntland kaga sugan yihiin deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Tukaraq iyo Garoowe.

Warar wargeyska Foore shalay ka helay Tuulada Carmo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadaasi Maleeshiyaadka ah badankooda laga soo ururiyey Beesha Cali Saleebaan kuwaasi oo odayaashoodu hore u ballan qaadeen in ay ciidan ku soo xoojin doonaan Maleeshiyaadka Puntland waxaanay wararka aanu helaynaa sheegayaan in markii ay maleeshiyaadkaasi la soo ururiyey ay maamulka Puntland halkaasi ku guddoonsiiyeen Hub iyo saanad Milatari oo culus saanaddaasi oo loo badinayo in ay tahay deeq uga timid dhinaca dawladda Muqdisho marka la eego tirada iyo tayada hubkaasi iyo waliba gaadiidkaasi.
Goobtii shalay lagu soo ban dhigay ciidankaasi Maleeshiyaadka ah iyo hubkooda iyo waliba tiknikadooda ayaa waxa laga maqlayay sawaxanka heeso guubaabo ah oo gaadiid makarafoono saaran yihiin lagu soo ban dhigay iyo dadweyne isugu soo baxay si ay ciidankan dhibbooga ah u guubaabiyaan kuwaasi oo markii halkaasi la isugu keenay ka soo shiraacday una soo dhaqaaqay dhinacan Garoowe oo ay uga soo gudbi doonaan Furinta ay maleeshiyaadkoodu hore ugu sugnaayeen.
Warbaahinta Puntland ayaa ciidamadan ku sheegay kuwo hordhac u ah ciidan-beeleedyo toddobaadadan la ururinayo kuwaasi oo lagu soo daabulayo jiidda dagaalka iyaga oo wadaad iyo daranle dadka deegaamadaasi maleeshiyaadkan si weyn u garab taagan halka xukuumadda Puntland iyana ku dhiirri galinayso in ay maleeshiyaadkan qabaa’ilka u qaybiyaan hub iyo saanadda Milatari.
Inkasta oo aanay maalmihii ugu dambeeyey dhinaca jiidda dagaalka waxba ka dhicin haddana waxa saacad walba laga filan karaa colaad iyada oo Puntland ay u muuqato mid ay ka go’an tahay in ay dagaal wax ku raadiyaan halka ciidamada qaranka Somaliland iyagu difaac habaysan kaga jiraan fadhiisimadii ay marka horeba ku sugnaayeen.

Comments

comments

SHARE