‘’Salaadiinta Hala Qarameeyo ‘’.W/Q Axmed Nuur Guruuje

50

’ salaadiinta hala qarameeyo ‘’.

Waggii aan wadanka Dawladdiisu Hana qaadin ,reer waliba wuxuu haystay hub iyo saanad milateri oo uu iskii u maamusho ,hassa yeeshee markii danbe farahoodda baxday una gacan gashay qolyo day day la odhan jirey oo aan cidina xukumin .

Markii reerihi isku wadda dhaceen ,ayaa madaxwayne cigaal Hindisay nidaamkii loo bixiyeyey qaramaynta ee hub ka dhigista ahaa ,taasoo keentay in beel walibkii ay haysatay dawladda ku wareejiso .

Hadaba imika waxaa soo baxay niman Saladin iyo madax-dhaqameed sheeganaya oo inta mid waliba cumaamad meel kasoo qaatay ,habeen iyo maalin tv isu taagan ,oo nabadgelyaddii iyo deganaanshihii khatar ku haya .

Hadaba si loogga badbaado khatarta salaadiintan adhi jabka ah ,waxaan xukuumadda usoo jeedinayaa in ay golaha guurtidda u gudbiso xeerka maamulka madax-dhaqameedka ,kaasoo jidaynaya in la qarameeyo salaadiinta ,Lana kala huffo iyaddoo laggu salâynayo ,taariikhdooda ,deegaanada iyo kalsooniida bulshadda .

Ugu danbayn hadaan la xakamayn madax dhaqameedka dabarka goo stay ,waxay Sababi Karaan waxy ee Lo aan lagga soo waaqsan .

Comments

comments

SHARE