Robert Lewandowski oo meesha ka saaray inuu qeyb ka noqon doono tartanka gooldhalinta ee koobka aduunka 2018

Weeraryahanka xulka qaranka Poland iyo kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa wuxuu xaqiijiyay in Colombia ay ugu cad cadahay in kaalinta koowaad ay kaga soo bixi karto Group H ay kaga jiraa koobka aduunka ee 2018 ee bishan 14-keeda ka dhici doono dalka Russia.

Robert Lewandowski ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Kicker” ee dalka Germany wuxuu kaga warbixiyay: “Colombia waa musharax ugu cad cad ee group-kan hogaain kara sida ay ila tahay, sababtoo ah waxaa ku sugan xidigo waaweyn ee leh khibrad badan, gaar ahaan kubada cagta Yurub”.

Dhinaca kale 29 jirkan kooxda Bayern Munich ayaa wuxuu iska diiday inuu qeyb ka noqon doono loolanka loo gali doono ku guuleysiga abaal marinta gool dhalinta ee koobka aduunka 2018.

“Wax walba waxay ku xiran tahay halka uu gaaro xulka aad qeybta ka tahay koobka aduunka, fursada kaliya ee aan ku gaari karno waa in la ciyaaro 7 kulan, balse hadii aysan dhicin waay adag tahay”.

Comments

comments

SHARE