Deg Deg: Generaal Moorgan Oo Farrin Culus U Diray Madaxweyne Farmaajo Kana Hadlay Lacagti U Somaliland Siiyey

Deg Deg: Generaal Moorgan Oo Farrin Culus U Diray Madaxweyne Farmaajo Kana Hadlay Lacagti U Somaliland Siiyey

BISMILAAH.. Dhamaan umada soomaaliyeed waa salamayaa ilaahay khayr ha inoogu idleeyo Bisha barakaysan.

Walaalayaal Sidaa La wada socotaanba cadaladu waa waxa keliya Umad haga kuna haga wadada hanuunka aduun iyo kan aakhiraba sidaas darteed Waxaan rabaa inaan idinka wadaago Arin Dowladnimada iyo Qaranimadaba oo ay ku kacday Dowladda Soomaaliya taas oo ay kala jeclaysatay maamulada kajira dalka ayadoo Qaarna duulaan Ku ah qaarna dhabta soo gashatay.

Dowladda Soomaaliya anoo taageero heer sare ah u haya hadana waxaan doonayaa inaan dhiisheeda sheego, waxay lacag Hal Malyan ah siisay Maamulka hargaysa lacagtaas oo lagu sheegay deg duufaantii kadhcday waqooyi loogu deeqayo , magaca lagu Bixiyay lacagta ayaa deeq ah balse Ugu danbeeyn waxaa lagu dhibaatayn doonaa shacabka Gobolada Sool Iyo Sanaag Maadaama Gacanta loogaliyay Kooxda Muuse Biixi

Lacagtaan waxaa cadayn u ah in lagu dhibaataynayo Shacabka Sool iyo sanaag Sidaan ognahay Maalmahan magaalada hargaysa waxaa Kasocda qaadaan uruuris uu waday muuse oo meheradaha laga qaaday ay lacag lagu taakuleeyo dagaalka uu Ku hayo Reer Sool saas darteed dhaqaale xumadii Keentay qaaraanka haddii ay hadda helaan lacag taas dowladda Soomaaliya siisay waxaa Xaqiiqo in Dhibaato ay Ku gaysanayan.

Fikirka lacagtaan ayaa ah mid siyaasadees waxaana Fikrada lahaa Reysulwasaare kuxigeenka Iyo wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo labaduba kasoo jeedaa Gobolada waqooyi waxayna Gees kaga Jiraan dagaalka Lagu hayo Reer Sool Sanaag iyo Cayn.

Haddii cadaalad Iyo daacad laga yahay arinkaan Waxay Ahayd in Dalka meelihii duufaanti saamaysay lagaarsiiyo, xeebaha Puntland Waa saamaysay duufaantu oo waxay dumisay guryo waxaa barakacay qoysas waxaan ognahay in doonto ganacsi oo fara badan baddu laqday maxaa ayaga Taakulayn qaybtooda loosiin waayey , Sadar Muuqdaa Su’aal Ka dhan oo Xaqiiqada ayaa ah Lacag siyaasadaysan..

Reer Puntland Mar walba dhiiranaantinu waa Mid Soo Jireen ah marka indhihiinu waa inay Cirka Iyo Dhulkaba Jiraan oo aydaan Hoos Keliya indhaha u raaricin.

Mahadsanidin

Comments

comments

SHARE