Inter Milan oo wada hadalo la fureysa Daley Blind

Inter Milan ayaa Banaanka  keentay xiisaha ey u qabto dambeedka bidix ee qaranka Holand iyo kooxda  Manchester United Daley Blind, Sida ay waraka shegayaan .

Xidiga qaranka Netherland ayaa ku jahwareeray Man utd isagoo waqtigan shaki la galinaayo mustaqbalkiisa Old Trafford kadib markii uu boos ka waayay shaxda  safka hore ee Koxoda manutd  .

Blind ayaa ku soo bilawday kaliya  4 kulan oo ah ciyaaraha  Premier League xili ciyaredkan,  tiyoo ay jirto ayaa hadana laga saaray xidigihii ka qeyb galay Finalkii  FA Cup oo ey Red Divls guul darada kala kulantay  Chelsea.

Xidigan oo ey hada da’diisa tahay 28-jir –ayaa mustaqbalkiisa loo badinayaa in uu ku dambeyn karo  kooxda Inter Milan, waana sida  uu soo jeeedinaayo  warsidaha talyaaniga ah ee Gazzetta dello Sport  iyadoo an la ogeyn qiimaha ey dalabkiisa ku bixin doonto

Yeelkeede  Daley Blind ayaa manutd kusoo biiiraya Fasal ciyaredka 2014–   Isagoo kasoo dhaqaaqay kooxda  Ajax  waxana uu kooxda Manchester United u saftay 90- kulan dhamaan tartamada oo dhan tan iyo marki uu kusoo biiraya waxana uu shabqa gaaray 4 jeer Waana Wiil Ka qeyb Ka ahaa xidigihii  Netherland  Ee gaaray sami finalkii Koobkii Aduunka Ee 2014.

Comments

comments

SHARE